Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Colombia

Dowladda Colombia ayaa ku dhawaaqday inay dhammaatay xabbad-joojintii ay kula jirtay kooxda Central General Staff (EMC), oo ka kooban xubno hore oo ka tirsanaa jiray Ciidamada Qalabka Sida ee Kacaanka Colombia.

Wasiirka Difaaca Ivan Velasquez ayaa ku sheegay qoraal uu soo saaray , in dowladdu ay soo afjartay heshiiskii xabbad joojinta ee hore ula gashay EMC, isaga oo ku eedeyay kooxda inasyan ka go’neyn siyaasad nabadeed oo dhamaystiran.

Xubnaha kooxda EMC ayaa lagu qiyaasaa 3,500 kuwaas oo intooda badan ay hubeysanyihiin, waxeyna ka howl galaan Venezuela, Ecuador, bartamaha iyo bariga Colombia.

Mareykanka / Israel

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa ku wargeliyay dhiggiisa Israel, Yoav Gallant, in Mareykanku uu joojinayo shaqada dekaddii macmalka ahayd ee laga dhisay xeebaha Gaza.

Dekaddan macmalka ayaa la billaabay bishii May, waxaana loogu tala galay in laga dejiyo gargaarka bini aadanimo ee la gaynayo Gaza balse hay’adaha caalamiga ah iyo mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta waxay xaqiijiyeen inaan loo adeegsan sidii loo qorsheyay.

Dhanka kale, wakiilka Mareykanka ee Golaha Ammaanka, Linda Thomas-Greenfield, ayaa ugu baaqday Ruushka inuu sii daayo laba muwaadin oo Mareykanka ah kuwaas oo ku xiran Ruushka.

Labada qof ee Ruushka ku xiran ayaa kala ah weriye ka howlgala Wall Street Journal oo lagu magacaabo Evan Gershkovich, iyo sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada badda oo lagu magacaabo Marine Paul Whelan.

Evan Gershkovich waxaa la xiray 29-kii March 2023 halka Marine Paul la qabtay 2018, waxaana labadooda lagu eedeeyay basaasnimo.

Farnsiiska

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kala hadalya madaxda Masar, Qatar iyo Baxrayn xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaallada ka socda Gaza iyo xudduudda ay wadaagaan Lubnaan iyo Israel.

Macron waxa uu ku celiyay sida ay dowladdiisu uga soo horjeeddo qorshaha cusub ee ay Israel isagu ballaarinayso dhulka Falastiiniyiinta, kaas oo ah tillaabo wiiqeysa rajada laga qabo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Yemen

Dowladda Yemen ayaa Qaramada Midoobay kala hadashay qorshaha dib u dhiska dalka Yemen oo kasoo kabanaya dagaal sokeeye oo burbur xoogan u geystay qayabaha kala duwan ee dalkaas.

In ka badan 2 sano, Yemen waxaa hakad galay dagaalkii billowday 10 sano ka hor oo u dhexeeyay ciidamada dowladda la aqoonsanyahay iyo xoogagga Xuutiyiinta ee maamula gobollada iyo magaalooyinka waawayn oo ay ku jirto caasimadda Sanca tan iyo 21-kii September. 2014.

Koonfur Afrika

Xisbiga African National Congress Party (ANC) ee Koonfura Afrika ayaa la filayaa in uu bilaabo dhageysiga anshax marinta madaxweynihii hore ee Jacob Zuma kaas oo lagu eedeeyay inuu sameeyay olole siyasaadeed oo ka dhan ah xisbiga isaga oo la saftay xisbi mucaarad ah.

Zuma oo hogaaminaya xisbiga MK ayaa sheegay in uu weli ka tirsan yahay xisbiga African National Congress Party, inkastoo la joojiyay xubinimadiisa 6 bilood ka hor.

Eswatini

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo ururada siyaasadda ee Eswatini ayaa xukuumadda dalkaas ka codsaday in laga laabto xukunkii lagu riday laba xildhibaan.

Labada xildhibaan ayaa lagu kala xukumay 25 sano iyo 18 sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeyay falal argagixisanimo iyo dilal la xiriira mudaaharaadyadii ka dhacay dalkaas 2021.

Afghanistan

Khasaaro isagu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan ayaa ka dhashay dadaad xoogan oo ku dhuftay gobolka Nangarhar ee dalka Afghanistan.

Dhimashadu waxey kor u dhaaftay 45 qof, waxaana jira dad tira badan oo dhaawc soo gaaray, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay uu roob mahiigaan ah ka da’ay bariga dalka Afghanistan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here