Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Mareykanka

Af-hayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay fiidnimadii Arbacada, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku dhacay cudurka Corona.

Biden oo hore u qaatay tallaalka “Covid-19” ayaa laga helay markale cudurka balse xaaladdiisu ma darna sida laga soo xigtay Aqalka Cad, wuxuuna ku sugnaa doona gobolka Delaware ilaa xaaladiisu iska bedesho

Israel / Falastiin

Baarlamaanka Israel ayaa maanta oo Khamiis ah si aqlabiyad ah ugu codeeyay qaraar lagu diidayo dhismaha dowlad ay leeyihiin shacabka reer Falastiin.

Qaraarka ayaa tilmaamaya in dhismaha dowlad Falastiin ay ka dhigan tahay khatar ku wajahan Israel iyo muwaadiniinteeda, waxayna horseedi doontaa inay dhamaan waydo colaadda Israel iyo Falastiin iyo xasilloonida darrada gobolka.

Qaraarkan waxaa soo jeediyay xisbiga mucaaradka ee midigta fog, waxana u codeeyay 68 xildhibaan halka ay diideen kaliya 9 xildhibaan, iyada oo xubnaha Baarlamaanku gaarayaan 120 xildhibaan.

Bishii March 1948-kii, ayaa la aasaasay dowladda Israel kadib markii 750,000 oo Falastiiniyiin ah laga barakiciyay dhulkoodi.

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 285-aad waxaana ku dhintay 38,794, iyada oo dhaawacu kor u dhaafay 89,364.

Sida laga soo xigtay Israel, tirada askartooda dhaawacantay ayaa lagu sheegay 4,149, halka dhimashaduna ay gaartay 682 isagu jira askar iyo saraakiil tan iyo markii uu qarxay dagaalka marinka Gaza.

Ghana

Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada Accra ee dalka Ghana, si ay uga doodaan una meel mariyaan Miisaaniyadda Midowga Afrika ee sanadka 2025-ka.

Miisaaniyadda ayaa muhiim u ah fulinta waajibaadka iyo ajendaha ururka Midowga Afrika ee mashaariicda horumarinta qaaradda iyo wax ka qabashada colaadaha iyo qulqulka hubka.

Koonfur Afrika

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa khudbad ka jeedin doona furitaanka kalfadhiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka todobaad ee dalkaas.

Ramaphosa waxa uuKhudbaddiisa ku soo bandhigi doonaa arrimaha mudnaanta u leh iyo siyaasadda xukuumadda midnimada qaran, oo ay ku jiraan wasiirro iyo wasiir ku xigeenno ka kala socda xisbiyada siyaasadda. Munaasabadan ayaa ku soo beegantay dimuquraadiyadda Koonfur Afrika oo 30 sano jirsatay.

Sidoo kale, Dadka reer Koonfur Afrika ayaa maanta u dabaal degaya xuska dhalashada Nelson Mandela, oo ahaa hogaamiyihii ugu magaca dheeraa ee soo mara dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa 18-ka July u asteysay in loo dabaaldego dhalashada Mandela iyo xuska halgankii uu usoo galay dadkiisa iyo dalkiisa, si ay ugu noolaadaan xorriyad.

Itoobiya

Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday xero qaxooti oo ku taal gobolka Amxaarada ee Itoobiya, waxeyna dileen sagaal askari, iyaga oo sidoo kale dhaawacay afar kale.

Kooxdaan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa la sheegay in ay qafaasheen askartii kale ee ku sugneed xerada , iyaga oo u kaxeystay meel aan la aqoon.

Tan iyo 10-kii bishii June ee 2023, xerada qaxootiga Comer ayaa la kulantay dhowr weerar iyo xagudubyo ka dhan ah qaxootiga Suudaan ee ku sigan xeradaas kuwaas oo ka dalbaday dhammaan hay’adaha samafalka inay wax ka qabtaan xaaladooda bini’aadantinimo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here