Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Turkey

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho ku tagay Jamhuuriyadda Waqooyiga Qubrus si uu uga qayb galo xuska sanad guuradii 50-aad ee howlgalkii nabadda Qubrus.

February 13, 1975, waxaa waqooyiga Qubrus laga aasaasay dowlad lagu magacaabo Jamhuuriyadda Turkiga ee Qubrus, waxaana madaxweyne ka noqday Rauf Denktash.

Kenya

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa la filayaa in uu soo dhamaystiro xubnaha Golihiisa Wasiirada kadib markii uu Jimcihii soo magacaabay 10 wasiir.

Ruto ayaa soo dib usoo celiyay 6 wasiir oo uu ku jiro Wasiirka Difaaca, Aadan Ducaale.

Koonfur Afrika

Boliiska Koonfur Afrika ayaa la filayaa inay bilaabaan baaritaanno ku saabsan eedeymo musuqmaasuq oo loo jeediyay hogaamiyaha xisbiga dhaqaalaha xorta ah, Julius Malema iyo ku xigeenkiisa Floyd Shivambu.

Shiinaha

Wakiilo kala metelaya kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Fatax ayaa la filayaa inay wadahadal ku yeeshaan Shiinaha, si ay uga wadaxaajoodaan arrimaha ay isku khilaafsanyihiin.

Bangladesh

Ugu yaraan 45 qof ayaa naftooda ku waayey Bangladesh intii ay socdeen mudaaharaadyada looga soo horjeedo hannaanka shaqaalaystiinta ee dowladda.

Ardayda ayaa ka cabanaya inaan shaqaalaha loo qaadanin sida ay u kala mudayihiin iyada oo la eegayo xirfadooda iyo aqoontooda balse taas bedelkeeda ay jiraan dad loo xiray shaqooyinka gaar.

Maldives

Wasiirka arrimaha dibadda Maldives Moosa Zameer ayaa booqasho shan maalmood ah ku tagaya dalka Shiinaha, halkaas oo uu wadahadallo laba geesood ah kula yeelan doono dhiggiisa Wang Yi.

Morocco

Marooko ayaa ku dhawaaqday in ay soo badbaadisay tahriibayaal gaaraya 196 qof kuwaas oo la socday doon maraysay badweynta Atlantic. Waxay intaas ku dartay in ciidamada ilaalalada xeebuhu heleen qof mayd ah oo ka mid ah dadkii la socday doonta lasoo qabtay.

Waxaa isa soo taraya isku dayga muwaadiniinta kasoo jeeda qaaradda Afrika ay ku doonayaan inay ku galaan qaab tahriib ah qaaradda Yurub iyaga oo raadinya nolol dhaanta tan ka jirta dalalkooda.

Falastiiin / Israel

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 287-aad waxayna kor u dhaafeen dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay 128,000 oo qof, iyada oo la la’yahay in ka badan 10,000 .

Jimcihii, Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa go’aan kasoo saartay codsigii Qaramada Midoobay ee ahaa inay Maxkamaddu soo saarto taladeeda la xiriirta waxa ka dhalanaya habdhaqanka Israel ee ku aadan dhulka Falastiiniyiinta.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ay sharci darro in Israel ay xoog ku haysato dhulka Falastiin, iyada oo ay waajib tahay inay ka baxdo dhulka ay ku samaysay dib u dejinta xoogga ah, waxeyna caddeysay in shacabka Falastiin xaq u leeyahay inuu go’aan ka gaaro masiirkiisa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here