Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Yemen

Israel ayaa weeraro is daba joog ah la beegsatay shirkadda Korontada ee magaalo xeebeedka Xudeydah ee galbeedka Yemen iyo dekedda Xudeyda, waxaana ka dhashay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda Xuutiyiinta ee maamusha magaalo Xudeydah ayaa sheegtay in 3 qof ay ku dhimatay weerarka halka uu dhaawac soo gaaray 87 qof.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 289-aad waxaana ku dhintay ku dhawaad 38,919 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 89,622, iyada oo la la’yahay in ka badan 10,000 .

Weearada militari ee maalinlaha ah ee ay ciidamada Israel ku qaadayaan magaalooyinka iyo tuulooyinka Daanta Galbeed ayaa sababay dhimashada  578 qof, 5400 oo dhaawac ah iyo in ka badan 9,720 oo lagu xiray xabsiyada Israel tan iyo 7-dii October 2023.

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu Mareykanka u safro subaxda Isniinta, isaga oo la kulmi doona madaxweyne Joe Biden galabnimada Talaadada, kadibna waxa uu Arbacada khudbad ka jeedinaya Congress-ka.

Tani waxay booqashadiisi ugu horreysay ee Netanyahu uu ku tago Washington tan iyo markii uu soo dhisay xukuumadda hadda ka talisa Israel bishii December 2022.

Mauritania

Dalka Mauritania waxaa ka dhacay mudaahraad looga soo horjeedo natiijadii kasoo baxday doorashadii dalkaas ka dhacday 29-kii bishii lasoo dhaafay ee uu ku guuleystay markale madaxweyne Maxamed Ould.

Mudaaharaadka waxaa soo qabanqaabiyay musharriixi kaalinta labaad ka galay doorashada, Biram Dah Abeid, isagoo sheegay in doorashada lagu shubtay.

Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ireland, Micheál Martin ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu ugu deeqday Itoobiya lacag dhan 15 milyan oo Yuuro si wax looga qabto horumarinta iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu kulan kula qaatay Addis Ababa, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, iyaga oo kawada hadlay xaaladaha dhaqaale ee ka jira dalka iyo sida looga soo kaban karo colaadaha iyo abaaraha ka dhacay Itoobiya waayihii ugu dambeeyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here