Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Mareykanka

Kadib marki Joe Biden uu isaga haray tartanka madaxtinimada Mareykanka, waxaa gudaha xisbiga Dimuquraadiga ka billoowday ololaha mushariixi bedeli lahaa, inkasta oo Biden uu doortay ku xigeenkiisa Kamala Harris.

Harris waxay tartan adag kala kulmi doonta siyaasiyiin kale oo magac ku leh gudaha xisbiga sida Gavin Newsom oo xukuma California, Gretchen Whitmore oo xukunta gobolka Michigan iyo Josh Shapiro oo madax ka ah Pennsylvania.

Musharraxa rasmiga ee meteli doona xisbiga Dimuquraadiga ayaa lagu dhawaaqi doona bartamaha bisha soo soocra ee August, iyada oo doorashada madaxtinimada Mareykanka la qaban doono 5-ta bisha November.

Yurub

Wasiirada Arimaha Dibada ee Midowga Yurub ayaa ka shiraya daggaallada ka socda Ukraine iyo Falastiin.

Kulanka oo uu guddoominayo Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub,, Josep Borrell, waxaa habka muuqaal aragga ah uga qayb qaadanaya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba, isaga oo ka warbixin doona xaaladihii ugu dambeeyay ee dalkiisa.

Finland

Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb ayaa saxiixay 16 bishaan July sharci looga hortegayo in dalkaas soo galaan qaxootiga, sidoo kalena ogolaanaya in la tarxiilo dadka sida sharci darrada kusoo galay.

Finland ayaa ku eedeysay Ruushka inuu qaxootiga u fududeeyay inay dalkeeda usoo gudbaan, taas oo keentay inay u baahato sharcigan cusub.

UN

Golaha Ammaanka ayaa ka shiraya hannaaka siyaasadeed iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Suuriya. Goluhu waxa uu sidoo kale dood ka yeelan doona halista kusoo fool leh nabadgelyada caalamka kadib weerradii ay is dhaafsadeen Israel iyo Kooxda xuutiyiinya ee Yemen.

Pakistan

Wasiirka arrimaha dibadda Turkmenistan Rashid Meredov ayaa booqanaya Pakistan isaga oo wadahadalo kula yeelan doono dhiggiisa Mohammad Ishaq Dar.

Kenya

Qaar ka mid ah qurbajoogta dalka Kenya ee ku nool magaalada Washington ee Mareykanka ayaa bannaanbax ka sameeyay afaafka hore ee xarunta dhexe ee Hay’adda Lacagta Adduunka.

Dadka bannaanbaxa sameeyay ayaa ku eedeeyay Hay’adda inay faragelin ku sameysay dhaqaalaha Kenya taas oo sababtay sicir barar iyo xasilooni darro.

Nigeria

Nigeria ayaa ku dhawaaqday in 18 qof lagu dilay weerar hubeysan oo Axadii ka dhacay gobolka Benue ee dalka Nigeria, waxaana sidoo kale jira dad fara badan oo ku dhaawacmay weerarka.

Gobolka Benue waxaa kusoo noqnoqday weerarada ay gaystaan kooxaha hubeysan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii dhacay 16-kii bishaan July, kaas oo 12 ruux lagu dilay deegaanka Agatu ee ka tirsan gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here