Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Suudaan

Xaaladda bini’aadantinimo iyo tan amni ee dalka Suudaan ayaa sii xumaanaysa iyadoo isku dhacyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogaga kasoo horjeeda ay ka socdaan magaalooyin kala duwan oo dalkaas ah.

Isku dayo la doonayay in lagu gaaro xabbad joojin si gurmad loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelladu soo gaartay ayaa fashil ku dhamaaday.

Hay’adaha qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa soo warinaya in ay jiraan tacaddiyo ka dhan ah dadka rayidka, waxeyna ugu baaqeen labada dhinac in ay joojiyaan colaadda.

Uganda

Dhallinyarada Uganda ayaa isugu soo baxay xarunta baarlamaanka ee dalkaas, si ay u dhigaan banaan bax looga soo horjeeda musuqmaasuqa dowladda, inkastoo uu madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ka digay in aysan arrintaas sameyn.

Abaabulayaasha mudaaharaadka ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan banaanbaxyada.

Kenya

Dibad-baxayaasha Kenya ee kasoo horjeeda qorshaha canshuur kordhinta ayaa la filayaa inay sii wadaan mudaaharaadkooda, iyaga oo caro ka muujiyay go’aankii madaxweyne William Ruto ee uu dib ugu soo magacaabay qaar ka mid ah wasiirradiisii ​​hore iyo dilkii ugu dambeeyay ee boliisku u geystay dibadbaxayaal.

Ruto ayaa labo todobaad ka hor shaqada ka ceyriyay ​​dhammaan Golahiisa Wasiirada, isaga oo dhawaan soo magacaabay 10 Wasiir oo ay ku jiraan qaar ka tirsanaa xukuumaddii hore.

Tanzania

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Arrimaha Siyaasadda John Bass ayaa lagu wadaa inuu booqdo Tanzania sii uu madaxda dalkaas ugala hadlo arrimaha la xiriira kordhinta iskaashiga laba geesoodka ah, dib-u-habaynta siyaasadda iyo dhaqaalaha, xuquuqul insaanka, iyo nabadda gobolka.

Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku soo laabtay Aqalka Cad ka dib ku dhawaad ​​toddobaad oo uu ku sugnaa hoygiisa Delaware si uu uga soo kabto cudurka COVID-19.

Biden ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray tartankii doorashada madaxtinimada Mareykanka oo lagu ballansanyahay inay dhacdo bisha November ee soo socota.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa dooran doona musharraxooda rasmiga ah bartamaha bisha August ee soo soocta.

Yemen

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeelanya shirkiisii ​​caadiga ahaa ee billaha ahaa iyada oo looga hadli doono xaaladda dalka Yemen.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen Hans Grundberg iyo Ku-simaha Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani’aadamnimada Joyce Msuya ayaa la filayaa inay warbixin ka jeediyaan kulanka .

Shiinaha

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa booqasho qaadan doonta 4 maalin ku tegaya Shiinaha isaga oo kulamo kula yeelan doono dhiggiisa Wang Yi.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa ugu horeeya ajandaha ay kawada hadli doonaan.

Bangladesh

Bandow ayaa la soo rogay internet-kana waa la jaray kadib markii mudaaharaadyo aan kala joogsi lahayan loogana soo horjeedo hannaanka shaqaalaysiinta dowladda ay ka dhaceen Bangladesh.

143 qof ayaa la dilay inta ay bannaan baxyadu socdeen, waxaana la xiray ku dhawaad 600 oo qof, iyada oo ciidamao dheeraad lagu soo daadiyay waddooyinka si loo xakameeyo dadka dhigaya mudaaharaadyada.

Itoobiya

Ku dhawaad 150 qof ayaa ku dhintay deegaanka Gofa ee koonfurta Itoobiya kadib markii uu dhulko la go’ay.

Warbaahinta dalkaas ah ayaa sheegtay in la helay 146 qof oo mayd ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween uur leh.

Laamaha gurmadka ayaa soo badbaadiyay 5 qof oo nool, waxaana wararku sheegayaan in la waayay qoysas dhan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here