Sunday, September 8, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa khudbad u jeedin doona shacabkiisa, taas oo ku saabsan go’aankii uu uga haray tartanka doorashada madaxtinimada.

Biden waxa uu hore u ayiday in ku xigeenkiisa Kamala Harris ayaa noqoto musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee doorashooyinka madaxtinimo ee November, inkasta oo Xisbigu go’aan ka gaari doono arrintan bisha soo socota ee August.

Harris waxay loollan adag kala kulmi doonta siyaasiyiin kale oo magac ku leh gudaha xisbiga sida Gavin Newsom oo xukuma California, Gretchen Whitmore oo xukunta gobolka Michigan iyo Josh Shapiro oo madax ka ah Pennsylvania.

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa khudbad ka jeedin doona Congress-ka Mareykanka ka dib markii uu casuumaad ka helay afhayeenka aqalka Mike Johnson iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Chuck Schumer.

Netanyahu ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Congress-ka ka hor khudbadiisa, iyada oo ay jirto diidmo ka imaaneysa qaar ka mid ah xildhibaanada Dimuqraadiyiinta kuwaas oo ku eedeyay Netanyahu inuu xasuuq ka gaystay marinka Gaza

Qaar ka mid ah xildhibaanda ayaa qaadacay khudbadda Netanyahu waxayna ku tilmaameen arrin nasiib darro ah in Ra’iisul wasaaraha Israel lagu casuumo Congress-ka kadib dhibaatadii uu ka gaystay Gaza bilihii lasoo dhaafay.

Netanyahu inta uu joogo Mareykanka waxa uu la kulmi doona siyaasiyiin iyo madax kala duwan oo ay ku jiraan Biden iyo Trump.

Pakistan

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa la filayaa inuu guddoomiyo shirka golaha wasiirrada si loo meel-mariyo qorshaha xukuumaddiisu ku dooneyso inay soo saarto go’aan lagu mamnuucayo xisbiga Ra’iisul wasaarihii hore ee Imran Khan.

Soomaaliya

Ururka Wariyayaasha aan Xuduudka lahayn ee RSF ayaa walaac ka muujiyay xarigga sharci darrada ah ee lagula kacay Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad oo la xiray galabnimadii Isniinta kuna beegneed 22 bishan July 2024.

RSF waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta Soomaaliya inay sharaxaad ka bixiyaan sabbata loo xiray ama ay sii daayaan Cali-Nuur Salaad.

Itoobiya

Tirada dadka ku dhintay deegaanka Gofa ee Koonfur Itoobiya ayaa kor u dhaaftay 229 qof sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu dadkaan la go’ay dhulka maalintii Isniinta, waxaana lagu guda jira weli baadi goobka dad kale oo la aaminsayahay inay ku jiraan dhulka hoostiisa.

Sida la xaqiijiyay, dadka dhintay ayaa isagu jira 148 rag ah iyo 81 haween ah, waxaana dadkaas ka mid ah macalimiin, khubaro dhanka caafimaadka iyo beeraha ah iyo shaqaalaha gurmadka oo goobta usoo gaaray inay dadka u fidiyaan caawinaad.

Kenya

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la tacaalidda AIDS-ka, waxaa 77 % hoos u dhacay kiisaska la xiriira caabuqa keena cudurka AIDS-ka ee HIV.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Kenya ay haysato fursad ay hoos ugu sii dhigi karto kiisaska cudurka HIV, haddii ay sii xoojiso dadaalladeeda ku saabsan arrimahan.

Nepal

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay diyaarad ku burburtay garoonka caalamiga ah ee Tribhuvan ee caasimadda Nepal ee Kathmandu.

Duulimaadka diyaaradda ayaa ku sii jeeday Pokhara, oo ah goob dalxiis oo muhiim ah kuna taal bartamaha dalka Nepal.

Suudaan

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in 23 milyan oo qof oo ku nool Suudaan in aysan haysan cunto ku filan, iyada oo ay jiraan 750,000 oo qof kuwaas oo qarka u saaran macaluul.

Dagaalka ka qarxay Suudaan bartamihii April, 2023 ayaa ku fiday 12 gobol oo ka mid ah 18 gobol ee uu ka kooban yahay dalkaas, waxaana jirta cabsi laga qabo inay soo baxaan kooxa kale oo hubeysan.

Isku dayo la doonayay in lagu gaaro xabbad joojin si gurmad loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelladu soo gaartay ayaa fashil ku dhamaaday, inkasta oo bisha soo socota lagu ballansanyahay wadahadal ka dhici doona Switzerland

Hay’adaha qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa soo warinaya in ay jiraan tacaddiyo ka dhan ah dadka rayidka, waxeyna ugu baaqeen labada dhinac in ay joojiyaan colaadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here