Saturday, September 7, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Turkey

Dowladda Turkiga ayaa markii todobaad hoggaanka u qabatay howlgalka ciidamada caalamiga ah ee xeebaha Somaaliya iyo gacanka Cadmeed looga ilaaliyo faalalka la xiriira burcad-badeednimada.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay Brazil kala wareegtay hoggaanka hawlgalka caalamiga ah ee ilaalinta xeebaha Somaaliya iyo gacanka Cadmeed, iyada oo hoggaanka hayn doonta ilaa 22 January 2025.

Howlgalkan oo ka kooban ciidamo isku dhaf ah ayaa la aas-aasay bishii February ee sannadkii 2002, iyada oo loogu tala galay in looga hortago falalka burcad-badeedka iyo argagixisada ee biyaha Bariga Dhexe, Afrika iyo Koonfurta Aasiya, oo ay ku jiraan Badda Cas, Gacanka Carabta. Gacanka Cadmeed, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya.

Jabuuti / France

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo booqasho ku jooga dalka Faransiiska ayaa heshiis dhanka difaaca ah la saxiixday dhiggiisa dalkaas, Emmanuel Macron.

Heshiiskan cusub ayaa looga dan leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga taariikhiga ah ee Faransiiska uu la leeyahay Jabuuti, iyo xaqiijinta xasiloonida gobolka Geeska Afrika oo muhiim u ah dunida kale, sida aan kasoo xiganay madaxtooyada Jabuuti.

Heshiiska ayaa sidoo kale ka tarjumaya heerka uu gaarsiisanyahay xiriirka labada dal iyo isku xirnaanshahooda marka la eego dhinacyada difaaca iyo amniga.

Faransiisku waxa uu Jabuuti ku leeyahay saldhiggiisa ugu weyn ee Afrika oo ay joogaan (1,500 oo askari)

Mauritania

Dowladda Mauritania ayaa ku dhawaaqday in ay badda kasoo saartay 25 qof oo mayd ah, iyada oo sidoo kale lasoo badbaadiyay 103 kale, kadib markii doonidii ay la socdeen ay kula degtay xeebaha magaalada caasimadda ah ee Nouakchott.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Mauritania, doonta ayaa kasoo baxday Gambia, iyadoo soo martay Senegal, tirada rakaabka la socdayna waxaa lagu qiyaasay ilaa 140 qof oo kasoo kala jeeda dhowr dal oo Afrikaan ah.

Yemen

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in nolol iyo geeri lagu la’yahay 41 qof oo tahriibayaal ah, iyada oo laga shaki qabo in doontii ay la socdeen kula degtay xeebaha Yemen.

Badda Yemen ayaa marin u ah dadka kasoo jeeda wadamada Geeska Afrika ee doonaya inay si sharci darro ah ku galaan dowladaha Khaliijka gaar ahaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Filipin

Markab siday ilaa 1.5 milyan oo liter oo shidaal ayaa ku degay xeebaha gobolka Bataan ee dalka Filipin

16 ka mid ah 17 shaqaalahii la socday markabka ayaa lasoo badbaadiyay, iyada oo baadi goob loogu jira qofkii kale, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka Jaime Bautista.

Dhankiisa, madaxweynaha Filipin Ferdinand Marcos ayaa amar ku bixiyay in qiimeyn lagu sameeyo saameynta ka dhalan karta markabka shidaal ee ku degay badda.

Itoobiya

In ka badan 15 arday ayaa ku xiran saldhiga booliska magaalada Shashamene ee gobolka Oromada muddo labo bilood ah, iyadoo aan la horgeyn wax maxkamad ah.

Ardaydaan ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin jabhadda xoreynta Oromada ee ka dagaalanta gobolkaas, inkasta oo aysan dowladdu weli soo bandhigin caddeymo muujinaya eedeymahaas.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa xariga ardayda ka muujiyay walaac, waxeyna dalbadeen in dib loo siiyo xorriyadooda ama la horgeeyo maxkamad caddaalad ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here