Sunday, September 8, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya

Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad oo Boliiska Soomaaliya xiray galabnimadii Isniinta kuna beegneed 22 bishan July 2024, ayaa maalintii lixaad oo xiriir ah ku jira xabsi.

Waxaa isa soo taraya cambaareynta ka imaanaysa aqoonyahanka iyo wax garadka Soomaaliyeed kuwaas oo aad uga xun xariga Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad, waxeyna walaac ka muujiyeen xoriyadda hadalka ee Soomaaliya.

Ururada saxaafadda, kuwa bulshada rayidka, siyaasiyiin iyo wax garad kale ayaa hore u cambaareeyay xarigga Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad, waxayna ku tilmaameen xarigiisa mid ka hor imaanaya dastuurka iyo xeerarka dalka oo damaanad qaaday xorriyadda hadalka iyo madax bannaanida warbaahinta.

Shabakadda Dawan Media Group ( Dawan TV, Mogadisho 24 iyo بوابة الصومال) waxay ku celineysa codsigeeda la xiriira in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo siiyo xooriyaddiisa Cali-Nuur Salaad.

Itoobiya

Xukuumadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday seddex maalin oo loogu baroor diiqayo dadkii ku dhintay dhulkii la go’ay Isniintii lasoo dhaafay ee Koonfurta dalkaas.

In ka badan 250 ayaa dhintay, waxaana casbi laga qabaa in tiradu intaas kasii badato maadaama dad badan ay ku jiraan dhulka hoostiisa.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ay la socdaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Abadula Gemeda ayaa booqasho ku degay deegaanka ay masiibadu ka dhacday, iyaga oo la kulmay qaar ka mid ah eheladda ay dhibaatadu soo gaartay.

Koonfur Afrika

Boliiska Koonfur Afrika ayaa la filayaa inay faahfaahin ka bixiyaan xiritaanka 95 qof oo kasoo jeeda Liibiya kuwaas oo lasoo qabtay iyaga oo ku sugan xarun ciidan oo qarsoodi ah oo ku taal gobolka Mpumalanga.

Dowladda Liibiya ayaa iska fogeysay in ay wax xiriir ah la leedahay kooxdan lasoo qabtay, waxeyna u xilsaartay safaaraddeeda dalkaas inay si hoose ula socoto xaaladda kiiskan, iyada oo ballan qaaday inay ka qayb qaadan doonto baaritaanka arintan si looga daba tago arrimaha ku xeeran iyo cidda ay ka dambeysa kooxda lasoo qabtay.

Tan iyo markii xilka laga tuuray Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii, dalka Libya waxa uu galay dagaal sokeeye iyo kala qeybsanaan siyaasadeed taas oo keentay inay abuurmaan kooxa tira badan oo hubeysan.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 295-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,175 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 90,403 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo badan haween iyo carruur.

Xaalada bini’aadantinimo ee marinka Gaza ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xumaanaysa iyadoo ay Israel xirtay dhammaan marinadii la marsiin lahaa gargaarka bini’aadantinimo.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 580 qof, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,350 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 840 oo qof, tan iyo 7-dii October ee 2023.

Talyaaniga

Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Taiani ayaa sheegay in dalkiisu uu go’aansaday inuu safiir u magacaabo Suuriya si loosoo celiyo xirirkii labada dala ka dhexeeyay sidoo kalena loola socdo xaaladda dalka Suuriya.

Talyaaniga ayaa noqonaya dalkii ugu horeeyay ee ka tirsan G 7 oo dib usoo celiya xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Suuriya tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeya ee socda dalkaas.

Kaliya safaraadaha 6 dal oo Yurub ah ayaa hadda ka furan dalka Suuriya kuwaas oo kala ah Romania, Bulgaria, Greece, Qubrus, Czech Republic iyo Hungary.

Mareykanka

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa qoraal uu soo saaray Jimihi dib ugu dhigay qorshaha la doonayay in lagu tarxiilo ku dhawaad ​​11,500 oo muwaadiniin Lubnaan ah.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay cirka isku shareertay xaaladda Bariga Dhexe iyada oo laga cabsi qabo inuu billowdo dagaal toos ah oo u dhexeeya Kooxda Xisbullaah ee Lubnaan iyo Israel.

Go’aanka Biden ee dib loogu dhigay tarxiilka muwaadiniinta Lubnaan ayaa u ogolaanaya inay Mareykanka kusii noolaadaan 18 bilood oo dheeraad ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here