Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Turkiga

 Baarlamaanka Turkiga ayaa meel-mariyay qaraarkii Madaxwenye Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, u gudbiyay Isbuuci hore si loo ogolaado in ciidamada Turkiga la geeyo badda Soomaaliya.

Sida uu qaraaarku dhigayo ciidamada Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageeraya howlaha lagu xaqiijinayo ammaanka, la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga khataraha kale, muddo laba sano ah oo lasii cusbooneysan karo.

Qaraarku waxaa uu dhigaya in Turkigu sii wadi doono howlaha tababarrada, taakuleynta iyo wadatashiga si loo sugo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyadoo laga amba qaadayo heshiisyada ay galeen labada dhinac.

Dib u habeynta ciidamada difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ay awood u yeeshaan la dagaalanka argagixisada, ayaa ka mid ah qodobada uu dhigayo qaraarka la ansixiyay.

Itoobiya

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday, , inay diyaarad gargaar ah u dirtay Itoobiya, taasoo qayb ka ah ka jawaabidda masiibadii Isniintii ka dhacday gobolka Gofa ee koonfurta dalkaas kadib markii uu go’ay dhulka.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Iskaashiga Caalamiga, Reem bint Ibrahim Al Hashemi, ayaa tilmaamtay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’antahay inuu taageero u fidiyo dalalka saaxiibada ah xilliyada xasaradaha iyo masiibooyinka.

Ku dhawaad 250 qof ayaa dhintay, waxaana halis ku jira dad ka badan 6,000 oo qof kuwaas oo ay lagama maarmaan tahay in loo raro goobo kale.

Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Korir Sing’oei ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu Midowga Afrika u gudbiyo musharraxnimada Raila Odinga ee xilka Guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika.

Raila Odinga ayaa saxiixay dokumeentiyada ku saabsan musharraxnimadiisa, wuxuuna ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo si rasmi ah ugu wareejin doonta xafiiska qaabilsan qabashada codsiyada mushariixiinta ee Ururka.

Xilkaan waxaa hore ugu dhawaaqay in ay u taaganyihiin musharrixiinta kala ah  wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf  iyo Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam  oo ka socota Soomaaliya.

Zimbabwe

Zimbabwe waxay martigelinaysa toddobaadka shirka sannadka laha ah ee wax soo saarka warshahada ee Ururka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo bandhigo Istaraatiijiyadda wax soo saarka warshadaha 16-ka dal ee xubnaha ka ah ururka.

Japan

Wasiirka difaaca ee Japan ayaa marti gelin doona dhiggiisa Mareykanka si ay uga wada hadlaan arrimaha ammaanka ee gobolka iyo caalamka.

Bariga Dhexe

Falcelinta caalamiga ah ee ka dhalatay gantaal ku dhacay tuulo ku taal buuraha Golan ee ay Israel xoogga ku haysatyo ayaa isa soo taraysa, iyada oo ay ku dhinteen 12 qof halka tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Israel ayaa ku eedeeysay ururka Xisbullaahi inuu ka dambeeyay weerarka, waxayna ku hanjabtay inay ka bixi doonto jawaab culus, inkasta oo Xisbullaahi ay iska fogeysay mas’uuliyadda weerarkaas.

Kulan afar geesood ah oo ay ka qayb galeen Masar, Qatar, Mareykanka iyo Israel ayaa ka dhacay caasimadda Talyaaniga ee Rome. Ujeedada kulanka ayaa ah sidii heshiis looga gaari lahaa xabbad joojin ka hirgasha marinka Gaza.

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 296-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,258 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 90,589 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 592 qof, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 840 oo qof, tan iyo 7-dii October ee 2023.

Venezuela

Muwaadiniinta Venezuela ayaa subaxnimadii maanta oo Axad ah u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan madaxweynaha hogaamin doona dalkooda 2025-2031.

In ka badan 21 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codkooda ka dhiibtaan 15,767 xarun oo gobollada dalka oo dhan ah, waxayna codeyntu ku egtahay saacaddu markay tahay 18:00 ee waqtiga dalkaas.

10 musharax ayaa ku tartamaya doorashada, waxaana ka mid ah madaxweynaha hadda talada haya ee Nicolas Maduro, musharaxa Grand National Pole, iyo musharaxa isbahaysiga mucaaradka , Edmundo Gonzalez.

In ka badan 380,000 oo Boliis ah ayaa loo xilsaaray sugidda amniga doorashada dalka oo dhan, waxaana la dhaarin doona musharraxa guuleysta 10 bisha January ee sanadka soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here