Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Kumel gaarka ah ee Jubbaland.

Ujeedka booqashada Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay dhiirigelinta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay dagaal kula jiray ururka Al-shabaab.

Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo qaybaha bulshada ayaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa.

Jabuuti

Dowladda Jabuuti ayaa codisga musharraxnimada Maxamuud Cali Yuusuf  ee xilka Guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika u gudbisay Guddoomiyaha Danjirayaasha wadamada Bariga Afrika ee Midowga Afrika ahna Danjiraha Mauritius.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa saxiixay dokumeentiyada ku saabsan musharraxnimadiisa, waxaana si rasmi ah loo gudbin doona xafiiska qaabilsan qabashada codsiyada mushariixiinta ee Ururka.

Xilkaan waxaa hore ugu dhawaaqay in ay u taaganyihiin musharrixiinta kala ah  Raila Odinga oo ka socda Kenya iyo Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam  oo ka socota Soomaaliya.

Kenya

Xubnaha Baarlamaaanka Kenya ayaa ka doodaya maanta miisaaniyad dheeraad ah oo uu gudbiyay guddoomiyaha guddiga qoondeynta miisaaniyadda Ndindi Nyoro.

Hindise sharciyeedkan ayaa ku saabsan dhaqaale dheeraad ah oo la doonayo in wax looga qabto arrimaha horumarka.

xildhibaannada ayaa sidoo kale ka doodi doona warbixino uu xafiiska Hanti-dhowraha guud kasoo saaray adeegsiga lacagaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaano ka tirsan ismaamulka Bungoma.

Itoobiya

Maamulka deegaanka Bench Sheko ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay tillaabooyin lagu doonayo in laga raro dadka deggan 33 xaafadood oo halis ugu jira dhul go’ gaysan kara dhibaatooyin badan.

Roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay deegaanka ayaa sababay dhul go’ taas oo keentay inay dumaan 28 guri sidoo kalena ay ku barakacaan 241 qof.

Isbuuci hore waxaa dhul go’ ka dhacay gobolka Gofa ee koonfurta dalkaas, waxaana ku dhintay in ka badan 150 qof.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 298-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,363 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 90,923 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 592 qof oo ay ku jiraan 142 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 840 oo qof, oo aya ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

5 askari oo Israel ah ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadyadii ka dhacay marinka Gaza saacadihii lasoo dhaafay, taas oo tirada ka dhaawacantay ciidamada Israel tan iyo markii ay soo weerareen Gaza ka dhigaysa 4,234, halka dhimashaduna ay gaartay 689 kuwaas oo isugu jira saraakiil waaweyn iyo askar.

Safaaradda Mareykanka ee Beirut ayaa kula talisay muwaadiniinteeda ku sugan Lubnaan inay isaga soo baxaan dalkaas iyadoo laga cabsi qabo inuu dhaco dagaal toos ah uu dhexeeya Israel iyo Xisbullaahi.

11 dal ayaa ku booriyay muwaadiniintooda inaysan u safrin Lubnaan sababo la xiriira xiisadda ka jirta Bariga Dhexe oo cirka isku sii shareereysa tan iyo markuu billoowday dagaalka Gaza.

Shirkadaha diyaaradaha ee Jordan, France, iyo German ayaa ka mid ahaa kuwii ugu dambeeyay ee hakiyay duullimaadyadii ay ku tagi jireen Lubnaan, xiisadda jirta awgeed.

Masar

Maalintii labaad ayuu booqasho ku jooga madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan dalka Masar, waxa uuna dhiggiisa dalkaas Cabdifataax Al-siisi kala hadli doona xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka gaar ahaan dagaalka ka socda Gaza.

Iran

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa booqasho ku tagaya magaalada Tehran si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka madaxweynaha la doortay ee Iran, Masoud Pezeshkian oo dhici doonta berri oo Arbaca ah.

Doorashada Madaxtinimada Iran ayaa timid ka dib markii uu Madaxweyne Ibraahim Raisi ku geeriyooday shil diyaaradeed 19-kii bishii May ee lasoo dhaafay xilli uu kasoo noqonayay booqasho uu ku tegay xudduuda ay wadaagaan Iran iyo Azerbaijan.

Qaramada Midoobay

Golaha Ammaanka ayaa cod u qaadaya qaraar qabyo ah oo lagu kordhinayo cunaqabateynta saaran kooxaha hubeysan ee ka howlgala Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe muddo sannad ah iyo waajibaadka guddiga khubarada ee kormeeraya fulinta tillaabooyinka cunaqabateyntaas ilaa laga gaaro 31 Augut 2025.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here