Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay Hindise- Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka, waxaa ogolaatay 135-xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday halka afarna ay ka aamuseen.

Iran

Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in la dilay madaxii dhanka siyaasadda, ee ururka, Ismaaciil Haniyeh, kadib duqeyn ay Israel la beegsatay guri uu ku sugnaa oo ku yaal caasimadda Iran ee Tehran.

Telefishinka qaranka Iran ayaa sidoo kale baahiyay dilka Ismaaciil Haniyeh loogu geystay magaalada Tehran. Warbaahinta Iran oo soo xiganaysa mas’uuliyiinta dalkaas waxay sheegtay inuu socdo baaritaan la xiriira dilka hoggaamiyihii Xamaas, iyada oo lasoo bandhigi doono dhawaan.

Markii ugu dambeysay ee muuqaalkiisa la arko waxay ahayd fiidnimadii talaadada xilli uu ka qayb gelaayay xafladdii caleema saarka madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian

Qaar ka mid ah dowladaha caalamka oo ay ka mid yihiin Iran, Turkey, Pakistan, Malaysia, Qatar, Ruushka, Shiinaha iyo qaar kale ayaa cambaareeyay dilka Ismaaciil Haniyeh, waxeyna ku tilmaamen tillaabo lagu sii hurinayo colaadda ka jirta Bariga Dhexe.

Israel iyo dowladaha Reer-galbeedka ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dilka Ismaaciil Haniyeh, inkasta oo warbaahintoodu tilmaamtay in si qorsheysan loo dilay hoggaamiyaha ururka Xamaas.

Kenya

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa go’aamisay in Barasaabyada ismaamullada iyo ku xigeenadooda aysan heli doonin xuquuq gaar ah marka ay howlgabka noqdaan.

Go’aankan ayaa jawaab u ah dacawad uu Golaha Barasaabyada ismaamullada ka gudbiyay Guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka oo diiday in la siiyo Barasaabyada xuquuq gaar ah maka ay howlgab noqdan.

Guddiga ayaa sheegay in dowladdu aysan awoodin bixinta kharashaad dheeraad ah oo la siiyo Barasaabyada taas oo u baahan miisaaniyad gooni ah.

Itoobiya

Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu deeqday Itoobiya 1 milyan oo doolar, si wax looga qabto dhibaatadii ka dhacday gobolka Gofa ee koonfurta dalkaas, sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfurta Kuuriya.

Gofa waxaa go’ay dhulka 22 bishan July, waxaana ka dhashay khasaaro isagu jira naf iyo maal.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa sheegay in dhimashadu ay gaartay 257, iyada oo ay jirto cabsi laga qabo inay sii kororto.

Uganda

Ganacsata magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa la filayaa in sameeyaan shaqo joojin, iyada oo laga casbi qabo inuu dhaco mudaaharaad looga soo horjeedo canshuur kordhinta xukuumadda.

Gadoodka ganacsatada ayaa kusoo beegmaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeedo falalka musuq-maasuqa ee ka jira dalkaas.

Suudaan

Madaxa Golaha hoggaamiya dalka Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan ayaa ka badbaaday isku day dil kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn lagu weeraray xilli uu ka qeyb galay xaflad loo dhigayay ciidan qalin jebiyay oo ka dhaceysay bariga dalkaas.

Waxaa weerarka ku dhintay ugu yaraan shan qof, sida ay sheegtay warbaahinta Suudaan

Hindiya

In ka badan 150 qof ayaa ku dhintay koonfurta Hindiya, kadib marka uu dhulka la go’ay, waxaana socda gurmad iyo baadigoob ballaaran oo loogu jiro dad ku jira dhulka hoostiisa.

Dowladdu waxay u dirtay deegaanka ay dhibaatadu ka dhacday ciidamo dheeraad ah si ay uga qayb qaataan gurmadka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here