Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya

Maamulka sare ee Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay lacag dhan 125 milyan oo doolar oo loogu talagalay maalgelinta siyaasadda horumarinta Soomaaliya, iyada oo ay ka faa’iideysan doonaan 180,000 oo xoolo-dhaqato ah oo ay ku jiraan 90,000 oo haween ah.

Taageeradan ayaa ah tii ugu horreeyay ee nooceeda ah, waxayna ka mid tahay dadaalladda lagu kobcinayo dakhliga, maareynta deymaha, kordhinta maalgashiga casriga ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Kenya

Golaha qaran ee xeer dejinta Kenya ayaa maanta billaabay inuu turxaan bixin ku sameeyo xubnaha Golaha wasiirrada ee uu soo magacaabay madaxweyne William Ruto.

Turxaan bixinta ayaa ah in la xaqiijiyo sida ay isagu qalmaan qofka la magacaabay iyo jaagda loo dhiibay, waxaana su’aalo la waydiin doona wasiirada magacaaban.

Ruto ayaa isbedel ku sameeyay xukuumadiisi hore, wuxuuna Golaha Wasiirada kusoo daray siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka gaar ahaan xisbiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ee ODM.

Inkasta oo Xukuumaddu ka laabatay qorshihii canshuur kordhinta, hadana weli waxaa ka socda Kenya banaan baxyo lagu dalbanyo inaan dib loo soo celin xubno ka tirsanaa xukuumaddii hore iyo in maxkamad lasoo taago saraakiishii ku lugta lahayd dilka mudaaharadayaasha.

Dhanka kale, Maxkamadda Racfaanka ee Kenya ayaa Arbacadii laashay sharcigii maaliyadda ee sanadkii 2023, waxeyna ku tilmaamtay inuu ahaa mid baalmarsan dastuurka dalka .

Arrintaan ayaa dhabar jab hor leh ku ah madaxweyne William Ruto iyo xukuumaddiisa oo hadda wajahaya mudaaharaadyo ballaaran.

UK

Askar badan ayaa dhaawac kasoo gaaray, in ka badan 100 qofna waa la xiray kadib rabashado ka dhacay magaalooyinka Southport, London iyo Hartlepool ee dalka UK.

Rabshadaha ayaa ka dhashay kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay macluumaad khaldan oo ku saabsan ninkii Southport ku dilay saddexdi carruurta ahayd. Taageerayaasha xisbiyada midigta fog ayaa weeraray masaajiddo iyo xarumo ay leeyihiin Muslimiinta.

Kazakhstan

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Kazakhstan, halkaasoo la filayo inuu wadahadallo kula a yeesho madaxweynaha Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev iyo wasiirka arrimaha dibadda Murat Nurtleu.

Sidoo kale waxay labada dhinac kawada xaajoon doonaan go’aanka Midowga Yurub ee horumarinta xiriirka dalka Kazakhstan iyo xaaladda gobolka.

Sierra Leone

Dowladda Sierra Leone ayaa la wareegtay xilka hoggaaminta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bisha August. Safiirkeeda Qaramada Midoobay Michael Imran Kanu ayaa qaban doonaa shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo ajandaha bishan.

Nigeria

Dadka reer Nigeria ayaa qorsheynaya inay qabtaan mudaaharaadyo ka dhacaya dalka oo dhan ah oo ay kaga soo horjeedaan sicir bararka iyo musuqmaasuqa, inkasta oo ay dowladdu ka codsatay dadwaynaha inaan la samaynin bannaanbax.

Suudaan

Madaxa Golaha hoggaamiya dalka Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan ayaa diiday inuu ka qayb galo wada hadalada nabadeed ee lagu ballansanaa dalka Switzerland, ka dib markii uu shalay ka badbaaday weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Waxaa weerarka ku dhintay ugu yaraan shan qof, sida ay sheegtay warbaahinta Suudaan

Iran

Ergayga joogtada ah ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, Amiir Saciid Iravani, ayaa sheegay in dalkiisu uu ka jawaabi doono dilka madaxii xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismail Haniyeh loogu gaystay magaalada Tehraan.

Ergayga Iran oo ka hadlayay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka ayaa si cad u sheegay inay weerarkaas ka jawaabi doona xilliga ugu habboon.

Falastiin

Israel ayaa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay duqeyn ku dishay taliyihii guud ee guutada Qassam, Maxamed Al-Deif. Duqeynta ayaa dhacday laba todobaad ka hor balse waxaa ku adktaay Isarel inay xaqiijiyaan dhimashadiisa.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Qasaam oo ah garabka mileteri ee ururka Xamaas.

Al-Deif ayaa 7 jeer oo hore ka badbaaday isku day dil, kuwaas oo qaarkood uu kasoo gaaray dhaawac culus. Israel ayaa baadi goob xoogan u gashay tan iyo markii ay duullaanka ku gashay Gaza, waxeyna madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 100,000$.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here