Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn  wararka dunida oo kooban waxaa ka mida:

Israel

Mudaharaadyo ballaaran ayaa ka socda magaalada Tel Aviv-, iyada oo ay dadweynuhu dalbanayaan in ay iscisho xukuumadda uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu, sidoo kalena ay aqbashao heshiiska isdhaafsiga maxaabiista.

Ciraaq

Duqeymo diyaaradeed  ayaa  subaxnimadii saaka lala bartilmaamedsaday xarumaha  kooxda Xashd Al-shacbi ee dalka Ciraaq.

Israel-Iran

Waxaa  sii kordhaya tuhunka laga qabo  in Israel weerar ka geysatay gudaha  Iran, wallow Israel aysan si rasmi ah  u sheegan mas’uuliyada  weerarka lagu tuhmayao. 

Wargeeska  Jerusalem post ayaa sheegay in diyaarad laga leeyahy Israel ay ganataalo ku garaacday keydka ciidamada cirka ee IRAN ee gobolka  Isfahan.

Turkiga- Masar

Wasiirka arrimaha dibadda  Turkiya Hakan  Fidan ayaa la kulmay dhigiisa dalka Masar Samex Shoukry, iyada oo ka wada hadlay xirrirka labada dal iyo arimaha Falastiin.

Pakistan

Daadad xoogan ayaa markale  ku dhuftay waqooyi  Galbeed Pakistaan.

Deegaano ka mid ah gobolka Kheybar ayaa roobab mahiigaan ah ka da’een , waxaana ku geeriyooday ku dhawaad 10 ruux, halka dad kalena ay ku waayeen guryohoodi oo ay burburiyeen daadadka ka dhasahy roobka xoogan .

Indonesia

Waxaa gabi ahaanba xayiraad lagu soo rogay garoonka caalamiga  ee Sam ratulangi ee magaalada  Manado ee dalka Indonesia ,  kadib markii halkas foolkano ka qaraxday,

 Boqolaal qof ayaa laga soo daadgureeyay gobolka dhibaatadu ka dhacaday.

New Zealand

Mudo 14 sano ah kadib Ra’iisul-wasaaraha New Zealand  Christopher Luxon ayaa markii ugu horeysay booqasho rasmi  oo saddex maalin ah ku tagay Filipin.

Kenya

Madaxeynaha dalka Kenya  William Ruto ayaa khudbad ka jeeediyay munaasabad lagu maamuusayay taliyihii difaaca  dalkaas Francis Ogollo oo isaga iyo saraakiil kale ay ku dhinteen shil diyaaradeed khamiisti lasoo dhaafay.

Ciyaaraha

Kooxda Manchester City ayaa wajihi doonta galabta   dhiggeeda Chelsea  kulan ka tirsan semi finaalha koobka FA CUP oo ka dhici doona garoonka Wembley stadium.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here