Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya

in ka badan 32 qof ayaa ku dhintay, ku dhawaad ​​63 kalena waa ay ku dhaawacmeen, weerar ay rag hubeysan ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, habeenimadii xalay ee Jimcaha ahayd, sida uu sheegay afhayeenka Boliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in goobta lagu dilay seddex ka mid ah kooxdi soo qaaday weerarka, iyada oo dhanka ciidamada amaanka ay soo gaartay qasaaro ah hal dhimasho iyo hal dhaawac.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maanta kulan gaar ah la qaatay laamaha amniga, isaga oo ka dhagaystay warbixin ku saabsan weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido ee uu ka dhashay qasaaraha isagu jiray dhimashada iyo dahwaaca iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

Turkey

Turkiga ayaa si kulul u cambaareeyay, , weerarkii ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay Ilaah uga baryeyso dadkii ku geeriyooday weerarka inuu ka waraabiyo Jannadda, iyada oo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadka dhaawacamay.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xaqiijisay in Turkiga uu sii wadi doono garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Itoobiya

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa booqasho ku tegay Itoobiya isaga oo kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Taye Atske Selassie.

Hakan Fidan iyo Abiy Axmed ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika.

Wararka laga helayo dhanka Turkiga ayaa tilmaamaya in ujeedada booqashadu ay la xiriirto xal u helidda khilaafaadka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Turkiga ayaa bishii hore marti geliyay wadahadal u dhexeeyay labada dal inkasta oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah, waxaana lagu ballamay in la isagu soo laabato kulan kale.

Kenya

Afar qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay suuqa Toi ee xaafadda Kibera ee magaalada Nairobi.

Guddoomiyaha suuqa Toi, Kenneth Jumba ayaa sheegay in dabku ahaa mid aad xooggan, waxaana jira qasaara ballaaran oo soo gaaray ku dhawaad 2,000 oo ganacsata ah.

Bishii lixaad ayay ahayd markii sidaan oo kale uu dab xoogan uga kacay suuqa Toi, waxaana jira ganacsato aan weli kasoo kaban dhibaatadii soo gaartay.

Nigeria

Mudaaharaadyada looga soo horjeedo sicir bararka iyo dhaqaala xumida ka jirta dalka Nigeria ayaa la filayaa inay ka sii socdaan, inkastoo dowladdu ay bandow ku soo rogtay shan gobol.

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay iska horimaad dhexmaray dadka dhigaya bannaanbaxyada iyo ciidamada ammaanka tan iyo markii ay mudaaharaadyadu billowdeen Khamiistii lasoo dhaafay.

Zambia

Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye ayaa booqasho saddex maalin ah ku jooga Zambia waxa uuna dhiggiisa Hakainde Hichilema kala qayb geli doona bandhigga beeraha iyo ganacsiga ee Zambia, kaas oo lagu wado inuu soo jiito maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa shisheeye .

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 302-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,480 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 91,128 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 594 qof oo ay ku jiraan 142 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 840 oo qof, oo aya ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

UK

Kooxaha midigta-fog ayaa qorsheynaya inay mudaaharaadyo ka dhigaan magaalooyin dhowr ah, oo ay ku jiraan Hull, Liverpool, Cardiff, Manchester, iyo Belfast, ka dib dilkii saddex carruur ah loogu geystay Southport.

Kooxahan ayaa ku baaqay in la isugu yimaado afaafka hore ee masaajida magaalooyinkan iyo goobaha ay ku yaalaan xarumaha dadka Muslimiinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here