Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay xeebta Liido Jimcihii loosoo xiray dad badan oo ay ku jiraan saraakiil, iyada oo ay weli socdaan baaritaano dheeraad ah.

Hadalkan ayuu sheegay Xamsa kadib markii uu booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa kuwaas oo lagu baxnaaninayo isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna yiri; “Waxaan qaadnay tallaabooyin deg-deg ah oo la iskula xisaabtamayo, dad badan oo la tuhmayo oo ay saraakiil ku jirto ayaa xiran, baaris kalana waa ku jirnaa, waxaana rajeynayaa in aan qaaddi doonno tallaabo adag oo dhinaca amniga ah.”

Weerarkii lagu qaaday xeebta Liido Jimcihii lasoo dhaafay, waxaa ku dhintay 37 ruux, halka 247 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna xustay in dagaalyahanadooda ay dileen 54 ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay dhaawaceen 87 kale.

Dowladaha deriska ah, Carabta iyo kuwa sida dhow xiriirka ula leh Soomaaliya oo lagu sii daray Ururada Caalamiga ah sida IGAD, Midowga Africa, Jaamcadda Carabta, Ururka Islaamka iyo Qaramada Midoobay ayaa dhammaantood cambaareeyay weerarkaas, waxeyna hoosta ka xariiqeen sida ay u garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si loo soo celiyo xasilnoodii iyo amaanka guud ahaan dalka.

Itoobiya

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay toddobo qof oo lala xiriirinayo afduubkii loogu gaystay magaalada Addis Ababa nin ganacsada ah.

Ninka la afduubatay oo lagu magacaabo Engidaw Wudu ayaa ka mid ahaa dadka dhoofiya Bunka, waxaana laga afduubtay hoygiisa oo ku yaal deegaanka Bole Bulbula 93 Mazoriya, iyada oo loo kaxaystay magaalada Awash Melaksa ee gobolka Oromia.

Sida laga soo xigtay Warbaahinta Itoobiya, Afduubayaasha ayaa markii hore dalbaday lacag madaxfurasho ah oo dhan 100 milyan oo lacagta dalkaas ah balse wadaxaajood dheer kadib waxay qoyskiisa kula heshiiyeen 20 milyan oo Birr, taas oo la bixiyay.

Engidaw Wudu ayaa dib ula midoobay qoyskiisa isaga oo nabad qaba, waxaana hadda socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha amniga si loo ogaado inay jiraan dad kale oo ku lug lahaa afduubka ganacasadaha.

Kenya

Koronto la’aan ayaa soo wajahday dadka ku nool qaybo ka mid ah magaalooyinka Nairobi , Nakuru, Uasin Gishu iyo Kakamega ee dalka Kenya taas oo keentay inay istaagaan qaybo ka mid ah adeegyada bulshada.

Shirkadda korontada dalkaas ayaa sheegtay in celladda soo billaabatay saacaddu markay ahayd abaare 9-kii subaxnimo ee maanta inay sii socodn doonto ilaa laga gaaro 5-ta galabnimo ee maanta.

Nigeria

Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo shacabkiisa iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada looga soo horjeedo dhaqaale-xumada iyo sicir bararka ka jira dalka ugu dadka badan Africa.

Sicirka lakala siisto adeegyada kala duwan ee asaasiga u ah nolosha aadanaha ayaa cirka isku shareeray bilihii lasoo dhaafay, waxaana hoos u dhac ku yimid qiimaha lacagta dalkaas.

Qaban qaabiyaasha bannaanbaxyada ayaa ku baaqay 10 maalmood oo mudaaharaad ah oo bilowday 1-dii bishan August. Ugu yaraan 17 qof ayaa ilaa iyo hadda lagu dilay iska horimaadyada dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dadwaynaha, waxaana bandow lagu soo rogay gobollo ka mid ah dalka Nigeria.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 303aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,480 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 91,128 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 594 qof oo ay ku jiraan 142 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 840 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Dhanka kale, waxaa sii socda khilaafkii u dhexeeyay Ra’iisal wasaaraha Israel iyo hoggaanka ciidamada ee ku saabsan in la soo gabagabeeyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ah iyo xabbad joojin laga hirgelinayo marinka Gaza.

Hoggaanka sare ee ururka Xamaas, waxaa u socda wadaxaajood si loo doorto hoggaamiyihii noqon lahaa madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka. Khaalid Mishcal oo horay usoo qabtay xilkaan ayaa ka mid ah musharraxiinta ugu cad cad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here