Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Masar/ Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, . Badr Cabdicaadi ayaa markale ku celiyay mowqifka adag ee dalkiisu ka taagan yahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya wuxuuna si cad u sheegay in Masar ay diiddan tahay is-afgaradkii dhanka badda ahaa ee horaantii sanadkan dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.

Wasiirka ayaa yiri: “Masar waxay si adag u diiddan tahay isku day kasta oo lagu waxyeeleynayo midnimada iyo amniga gayiga Soomaaliyeed, waxaana mar kale ku celineynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay hadalka Masar, ee lagu taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya sidoo kalena looga soo horjeedo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee badda.

Jabuuti

Waxaa lagu guuleystay in la demiyo dab ka kacay baqaar ku yaal Goobaha ka caagan canshuuraha ee Dekedda Jabuuti. Hay’adda dab damiska ayaa si degdeg ah u xakamaysay dabka ka kacay, mana jiro khasaara wayn oo ka dhashay marka laga reebo burbur soo gaary dhowr konteenr sida uu sheegay maamulka Dekedda.

Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo sababaha kiciyay dabka, iyada oo dib lagala wadaagi doono dadwaynaha natiijada kasoo baxda baaritaanada.

Itoobiya

Baaritaan ay samaysay hay’ad u doodda arrimaha bini’aadntinimada oo lagu magacaabo Human Rights First Ethiopia ayaa lagu ogaaday in dadka kasoo jeeda qowmiyadda Tigray ay la kulmaan midab takoor iyo caqabado badan marka ay dalbanayaan Passport-ka dalka.

Hay’adda ayaa ogaatay arrintan kadib markii ay wareysi la yeelatay dadka kala kulmay dhibaatada faqooga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda marka ay doontaan Passport.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay tillaabo ka hor imaaneysa nidaamka iyo dastuurka dalka u yaal, waxaana loogu baaqay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Itoobiya inay si degdeg ah wax uga qabato cabashada dadka kasoo jeeda qowmiyadda Tigray.

Uganda

Dowladda Uganda ayaa walaac ka muujisay qulqulka qaxootiga cusub ee ka imaanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ka dib markii ay dalkaas kassoo cusboonaadeen isku dhacyo.

Isku dhacyo hor leh oo dhexeeya ciidamada Congo iyo fallaagada M23 ayaa sababay inay dad tira bada usoo cararaan dalka deriska la ah ee Uganda oo markii hore la daalaa dhacayay qaxooti iyo dhaqaalo xumo.

Walaaca Uganda ayaa kusoo beegmaya iyada oo lagu wado inuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta kulan ka yeesho xaaladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Nigeria

Nigeria ayaa kula talisay muwaadiniinteeda inaysan u safrin Ingiriiksa sababo la xiriira mudaaharaadyada rabshadaha wata ee ka socda dalkaas tan iyo 30-kii July, iyada oo ku tilmaamtay xaaladda dalka Ingiriiska mid halis ah.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nigeria ayaa loogu baaqay muwadiniinta ku nool Boqortooyada Ingiriiska inay aad u taxaddaraan oo ay ka fogaadaan meelaha ay ka socdaan mudaaharaadyada wata rabshadaha iyo goobaha la isagu yimaado.

Taageerayaasha Midigta fog ee xagjirka ah ayaa rabshado ka sameeyay dhowr magaalo kadib markii toorey lagu dilay 3 carruur ah, waxayna weerar u gaysteen xarumaha Muslimiinta sida masaajidda iyo goobaha kale ee ay ku noolyihiin dadka qaxootiga ah.

Bangladesh

Waxaa weli socda wadahadallada u dhexeeya wakiilada xisbiyada siyaasadda iyo ciidamada Bangladesh si loo soo dhiso xukuumad kumeel gaar ah oo dalka sii hogaamisa inta kaga qabanayo doorasho, kadib markii ay xilka ka degtay Sheekh Xasiina

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ku baaqay in la joojiyo gadoodka, isagoo ardayda kula dardaarmay inay guryahooda ku laabtaan, wuxuuna ballan qaaday in ciidamadu ay baaritaan ku sameyn doonaan dhammaan dilalkii dhacay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Waxa uu shacabka ka codsaday in la siiyo muddo kooban si xal loogu helo dhibaatada jirta, waxa uuna shacabka ka codsaday in ay ku kalsoonaadaan ciidamada, isagoo sheegay in hay’adda amnigu ay dib u soo celin doonaan nabadda dalka.

In ka badan 230 qof ayaa ku dhintay rabshadaha ka dhacay dalkaas tan iyo markii ay bilowdeen mudaaharaadyada looga soo horjeedo qoondada shaqada ee hay’adaha dowladda taas oo keentay ugu dambayntii inay is casisho ra’iisul wasaarihii dalkaas Sheekh Xasiina.

Ciraaq

Dhowr askari ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday gantaalo oo lagu qaaday saldhig Mareykanku ku leeyahay dalka Ciraaq, iyada oo laga cabsi qabo in xaaladda Bariga Dhexe ay faraha ka baxdo.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken uu ku wargeliyay todobada dal ee loo yaqaaano (G7) in Iran iyo Xisbullaahi ay weerari donaan Israel 48 saacadood gudahood.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 305-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,623 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 91,469 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda ee Falastiin ayaa Isniintii sheegay in Israel ay kusoo wareejisay, in ka badan 80 Mayd kuwaas oo qaarkood go’go’ay qaar kalena ay noqdeen qalfoof.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 609 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 840 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

7 ka mid ah askarta Israel ayaa lagu dhaawacay saacadihii lasoo dhaafay dagaalladii ka dhacay Marinka Gaza, taas oo tirada askarta dhaawacantay ka dhigaysa 4,256 askari, halka dhimashaduna ay gaartay 689 tan iyo markii uu dagaalka bilaabmay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here