Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya waxaana ogolaaday 138-Xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diiday hal xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Kenya

Dowladda Kenya ayaa ku biirtay dalalka caalamka ee muwaadiniintooda ku sugan waddanka Lebanon ku boorrinaya in ay si degdeg ah halkaas uga soo baxaan.

Walaaca Kenya ayaa imaanaya iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kororto xiisadda Bariga Dhexe ka dib markii ay Iran wacad ku martay in ay sameyn doonto aargoosi la xiriira dilkii madaxii ururka Xamaas ee dalka Falastiin Ismaaciil Haniyeh.

Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ee qaabilsan qurba joogta ayaa Kenyaatiga ku nool Lebanon kula talisay in ay dalkaas kasoo laabtaan ama u wareegaan wadamo kale oo ay ku badbaadi karaan.

Itoobiya

16 ka mid ah 167 arday oo laga afduubtay bishii hore meel u dhow magaalada Garba Guracha ee Woqooyiga Shoa ee gobolka Oromia ayaa dib u helay xorriyadooda kadib markii qoysaskoodu ay bixiyeen lacag madax furasho ah.

Ardaydan ayaa la afduubtay xilli ay kasoo baxeen Jaamacadda Debark ee gobolka Amxaarada, iyaga oo kusii jeeday magaalada Addis Ababa.

Warbaahinta gudaha Itoobiya ayaa sheegtay in ardayda lasii daayay ay ku jiraan sagaal gabdhood, iyada oo laga qaatay lacago madaxfurasho ah oo u dhaxaysa 100,000 ilaa 500,000 oo lacagta dalkaas ah.

Suudaan

Ku dhawaad ​​2,500 oo ah qaxooti kasoo jeeda Suudaan kuna sugnaa kaynta Awlala ee dalka Itoobiya ayaa go’aansaday in ka baxaan halkaas, iyaga oo ku wajahan goobta diiwaan gelinta qaxootiga ee xadka Itoobiya iyo Suudaan.

Go’aankan ayaa yimid ka dib 98 maalmood oo uu ku sugnaayeen halkaas, iyaga oo la kulmay dhibaatooyin tira badan oo isagu jira dil, boob iyo xadgudubyo kale.

Labadi todobaad ee lasoo dhaafay, waxaa la dilay seddex qof, halka laba caruur ah ay u dhinteen nafaqo darro. Intaas waxaa sii dheer dhibaatooyinka ay la kulmeen haweenka uurka leh iyo dhawaacyo soo gaaray dad badan kadib markii ay soo weerareen kooxo aan la aqoon haybtooda.

Dhanka kale, UNHCR iyo dowladda Itoobiya ayaa ku hawlan sidii ay qoxootiga ugu wareejin lahaayeen goob kale, inkastoo qaarkood ay diideen in la raro sababo la xiriira ammaanka xeryaha la qorsheynayo in la geeyo.

Uganda

Xubno ka tirsan mucaaradka Uganda ayaa Isniintii lagu xiray caasimadda dalkaas ee Kampala, iyada oo lagu wado in la hor geeyo maxkamad.

Xubnahan la xiray ayaa doonayay inay dhigaan bannaanbax ay uga soo horjeedaan go’aankii Kenya ay dalkeeda uga tarxiishay 36 ka tirsan mucaaradka Uganda oo hadda dacwado lagu soo oogay kadib markii la xiray.

Mareykanka

Kamala Harris ayaa u dooratay gudoomiyaha gobolka Minnesota Tim Waltz inuu noqdo musharaxa madaxweyne ku xigeenka, waxaana lagu wadaa inay safar la xiriira ololahooda doorasho ku tagaan gobollada dalka Mareykanka.

Tim Waltz (60 jir) ayaa madax ka ah gobol ka mid ah gobollada ugu muhiimsan marka la eego doorashada madaxtnimada, isaga oo hormuar ballaaran ka sameeyay gobolka tan iyo markii loo doortay 2019.

Bartamaha bishan August, waxaa Kamala Harris loo caleema saari doona musharraxa rasmiga ee doorasahda madaxtinimo ku meteli doona xisbiga Dimuqraadiga, iyada oo rajo ka qabta inay noqoto haweenaydii ugu horreysay ee dalka Mareykanka ka noqoto madaxweyne.

Bangladesh

Maxamed Yoonis oo horay ugu guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaaraha kumeel gaarka ah ee dalka Bangladesh, kadib markii ay is casishay Sheekh Xasiina oo muddo dheer dalkaas soo xukumaysay.

Go’aan lagu magacaabay Maxamed Yoonis ayaa yimid kadib wadatashiyo dhex maray madaxweynaha dalkaas Maxamed Shahabuddiin iyo madaxda ururada ardayda ee laf dhabarka u ahaa kacdoonkii xilka looga tuuray Sheekh Xasiina.

Maxamed Yoonis ayaa looga fadhiya inuu soo magacaaabo gole wasiiro oo awood u leh inay dalka ka saaraan kala guurka siyaasadeed, isaga oo billaabay inuu wadatashiyo la sameeyo xisbiyada siyaasadda iyo ururada bushada.

Talaadadii, madaxweynaha Bangladesh Maxamed Shahabuddiin ayaa ku dhawaaqay in la kala diray baarlamaanka si loogu diyaar garoobo dhisidda xukuumad cusub.

Sacuudi Carabiya

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah, ee galbeedka Sacuudi Carabiya, shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xadgudbyada ay Israel ka waddo dhulka Falastiin iyo dilkii Ismaaciil Haniyeh loogu gaystay magaalada Tehran ee dalka Iran todobaadki hore.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 306-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,653 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 91,535 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 619 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here