Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey, Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka soo socda ee dalka.

Labadan sharci ayaa hagi doona hanaanka doorasho ee dalka, waxayna shacabka Soomaaliyeed u suurtagelinayaan inay doortaan madaxda metali doonta qaranka, sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale.

Kenya

Baarlamaanka Kenya ayaa meelmariyay golaha wasiirada ee uu soo magacaabay dhawaan Madaxweyne William Ruto, iyada oo Baarlamaanku diiday Stella Soi Lang’at oo horay loogu magacaabay wasaaradda arrimaha jinsiyadda iyo dhaqanka.

19-ka Wasiir ee la dhaariyay waxaa ka mid ah siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka gaar ahaan xisbiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ee ODM.

Inkasta oo Xukuumaddu ka laabatay qorshihii canshuur kordhinta, hadana weli waxaa ka socda Kenya banaanbaxyo lagu dalbanyo inuu Ruto xilka ka dego sidoo kalena maxkamad lasoo taago saraakiishii ku lugta lahayd dilka mudaaharadayaasha.

DDS

Roobab mahiigaan ah ayaa sababay in webiga Shabeelle ku fataho degmooyin badan oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana ka dhashay barakaca kumanaan qof iyo burbur hantiyeed oo aad u badan.

Fatahaadan ayaa ku qasbay 2,827 qoys inay ka barakacaan guryahooda. Roobabka mahiigaanka ah ayaa sidoo kale khasaare baaxad leh u geystay dhul beereedyo iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Ku dhawaad ​​6,186 hectare oo dhul-beereed ah, lix iskuul, iyo xarumo caafimaad ayaa waxyeello soo gaartay.

Venezuela

Guddiga doorashada ee Venezuela ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Nicolas Maduro uu ku guuleystay doorashadii dhawaan dalkaas ka dhacday, inkasta oo muran ka dhashay natiijada doorashada.

In ka badan 2,200 oo mudaaharaadayaal ah ayaa la xiray kadib markii lagu dhawaaqay natiijada.

Qatar

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho shaqo ku tegay dalka Turkiga, isaga oo kulan la qaadan doona madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.

Xiriirka rasmiga ah ee Turkiga iyo Qatar ayaa soo billowday sannadkii 1979-kii kadib markii labada dal ay is dhaafsadeen safaaradaha, balse waxa uu xoogeystay sannadkii 2014-kii markii la aasaasay Istaraatijiyadda Sare ee Wadajirka labada dal.

Koonfur Afrika

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Angola, si uu dhiggiisa dalkaas ugala soo xaajoodo xoojinta xiriirka labada dal.

Japan

Safiirada dalalka loo yaqaano G7 ee ku sugan Japan ayaa qaadacay inay ka qayb galaan munaasabad lagu xusayo duqeymihii Nukliyeerka ee magaalada Nagasaki, kadib markii maamulka magaaladu diiday in casuumaad loo fidiyo wafdi ka socda Israel.

Thailand

Thailand ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Britain inay muujiyaan taxadar dheeraad ah iyo foojignaan, iyada oo laga cabsi qabo inay sii socdaan mudaaharaadyada ay dhigayan kooxaha xagjirka ah ee ee neceb Muslimiinta iyo muaajiriinta.

Safaaradda Thailand ee London ayaa qoraal ay ku daabacday website-keeda maanta, ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Britain ama doonaya inay u safraan inay ka fogaadaan meelaha dadku ku badan yahay ama ay ka dhacayaan bannaanbaxyada, sida magaalooyinka Hull, Liverpool, Bristol, Manchester, Stoke, Blackpool, iyo caasimadda Waqooyiga Ireland ee Belfast.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 307-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,677 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 91,645 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 620 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here