Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya / Itoobiya

Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa toddobaadka soo socda ku yeelan doona dalka Turkiga wareeggii labaad ee wada-hadallada tooska ah, kaddib markii Ankara ay miiska soo saartay hindise ay u aragto in lagu xallin karo khilaafka u dhexeeya labada dal ee deriska ah, sida uu Jimcihii sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Fidan ayaa usoo bandhigay labada dhinac qorshe lagu soo afjarayo xiisadda labada dal kaas oo ah in Itoobiya ay hesho marin badeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, halka Itoobiya ay taas beddelkeeda si aan shaki lahayn u qaddarin doonto midnimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulankaan oo aan la caraabaabin taariikhda uu dhacayo  ayaa imaanaya iyada oo isbuucii hore wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga uu booqday Addis Ababa, wuxuuna wadahadal arrintan ku saabsan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, si xal degdeg ah looga gaaro xiisaddda u dhexeysa labada dal.

Kenya

Guddiga xuquuqda aadanaha ee dalka Kenya ayaa maxkamadda dalkaas geeyay dacwad uu uga soo horjeedo magacaabidda 19 wasiir ee xilalkooda loo dhaariyay, wuxuuna guddigo sheegay inaan si hufan loo marsiin turxaan bixintii lagu sameeyay magacaabistooda iyo inaan
dadweynaha aan si buuxda looga qayb gelin in ay aragtidooda ku biiriyaan wasiirrada la soo magacaabay.

Guddiga ayaa doonaya in la baabi’iyo magacaabsita wasiirada iyo in Madaxweyne William Ruto lagu amro inuu wasiirro cusub soo magacaabo.

Itoobiya

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Sidara ayaa soo gebagabeeyey heshiis lagu dhisayo garoonka ugu weyn Afrika oo ay wajiga kowaad ku baxayso lacag dhan 6 bilyan oo dollar oo dayn ah.

Garoonka cusub ayaa laga dhisi doona magaalada Bishoftu oo 45 KM u jirta caasimadda Addis Ababa, dhismihiisuna wuxuu dhammaan doonaa 2029.

Garoonkan oo laga dhisayo dhul baaxaddiisu dhan tahay 35 KM oo isku wareeg ah, ayaa waxa u adeegi doona in ka badan 100 milyan oo rakaab ah sannadkii marka la dhamaystiro, sida uu sheegay Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesfin Tasew

Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ugu baaqay Israel inay joojiso xasuuqa ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta, isaga oo sheegay inay lagama maarmaan tahay in beesha caalamku qaadato mas’uuliyadda ah sidii loo dhaqan geli lahaa heshiiska xabbad joojinta iyo is dhaafsiga maxaabiista

Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii ay Israel duqeyn la beegsatay aroornimadii maanta School ay deganaayeen dad soo barakacay, iyada oo ay ku dhinteen weerarkaas in ka badan 100 qof, waxaana dhaawac soo gaaray tiro kale oo badan.

Uganda

50 qof oo loo xiray iyaga oo isku dayaya inay bannaanbax ka dhigaan xarunta baarlamaanka Uganda ee caasimadda Kampala ayaa lagu wadaa in maxkamad lasoo taago.

Dadkan la xiray ayaa kasoo horjeeda mashruuca dhuumaha shidaalka ee Bariga Afrika.

Suudaan

Xaaladda bini’aadantinimo iyo tan amniga ee Suudaan ayaa ka sii daraysa iyadoo ay socdaan isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda kasoo horjeedda ee RSF.

Wafdi ka socda xukuumadda Suudaan ayaa Jimcihi u safray dalka Sacuudi Carabiya, si ay ula kulmaan mas’uuliyiin ka socda Mareykanka, iyada oo laga wadahali doono qorshaha wadaxaajoodka la doonayo in la isagu keeno dhinacayda Suudaan magaalada Geneva.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 309-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,699 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 91,733 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Aroornimada maanta, Israel waxay duqeyn ku dishay in ka badan 100 qof oo ku sugnaa School ay kusoo barakaceen, waxaana jira dhaawac tira badan oo soo gaaray dad rayid ah

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 620 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tuunis

Gudiga Madaxbannaan ee doorashooyinka Tuunis ayaa lagu wadaa inuu maanta shaaciyo liiska murashaxiinta la aqbalay inay u tartamaan doorashada madaxtinimo ee dalkaas ka dhici doonta 6-da bisha October ee soo socota.

Waxaa jira eedeymo ka imaanaya dhanka mucaaradka oo ku saabsan in guddigu u xagliyay madaxweyna dalka, iyada oo cadaadis badan la saaray mucaaradka, qaarkoodna la xiray.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here