Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Hirshabeele
Al-Shabaab ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada Aadan Yabaal, oo ku taalla gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib weerar culus oo ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Muqdisho
Xeebaha Soomaaliya ayaa weli ka mid ah meelaha ugu halista badan ee burcad-badeeddu ka hawlgasho, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Xafiiska Badaha Caalamiga ah (IMB).
Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay Madaxtooyada Somaliland kulan kula yeeshay madaxda sare ee Hay’adda Pharo Foundation, oo ah hay’ad ka shaqaysa arrimaha horumarka aadanaha, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka, beeraha, biyaha, iyo degaanka.
Jabuuti
Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay guutada Hiil Walaal 10, oo muddo laba sano ah ka qeyb ahayd howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ay hogaaminaysay ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia)
Puntland
Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa soo bandhigay laba xubnood oo sheegtay in ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish, kuwaas oo sida la sheegay si iskood ah isugu soo dhiibay hay’adaha ammaanka.
Soomaaliya
Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, halka hanti kalana ay burburtay, ka dib roobab xooggan oo ka da’ay degmada Waaciye ee gobolka Karkaar, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Axmed Xasan.
Addis Ababa
Aljeeriya ayaa loo doortay xubin ka tirsan Golaha Nabadda iyo Amniga (CPS) ee Midowga Afrika (UA) muddo saddex sano ah, kadib kalfadhigii 24-aad ee Golaha Fulinta oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, Itoobiya.