Sunday, September 8, 2024

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Israel iyo kooxaha Falastiiniyiinta

 Qudus (Dawan)- Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa maalintii afraad oo xiriir ah sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan goobo kala duwan oo ka tirsan marinka Gaza.

  • Israel waxey duqeysay goobaha waxbarashada, caafimaadka, cibaadada, ganacsiga iyo guryo deegaan ah, sida ay baahiyiin warbaahinta gudaha Falastiin.
  • Duqeymaha Isarel waxaa ka dhashay dhimashada ku dhawaad 700 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ay ku jiraan carruur iyo haween, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 2000
  • Kooxda Xamaas ayaa sheegtay in aysan wada hadal geleynin inta ay socoto duqeynta Israel
  • In ka badan 900 oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhintay, 2500 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka u dhaxeeya Kooxda Xamaas ee ka dagaalanta Falastiin iyo Israel, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah oo Israel.
  • Idaacadda Ciidamada ee Israel ayaa sheegtay in ay jiraan tiro ciidamo ah oo looga qabsaday dagaalka iyo dhimashada in ka badan 250 asgari oo Booliis ah.
  • Israel waxey dadkeeda ugu baaqday in ay kasoo baxaan deegaanada u dhaw Marinka Gaza
  • Xukuumadda Isarel ayaa u yeertay in ka baan 300,000 oo ka rirsan ciidanka kaydka ah.
  • Wasiirka Difaaca Isarel ayaa sheegay in Gaza laga jaray Korontada iyo biyaha.
  • Waxaa duulimaadyadoodi ay ku tegi jireen Israel joojiyay qaar ka mid diayaradaha caalamiga ah .
  • Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa caddeeyay in ay garab taaganyihiin Isarel, waxeyna weerarka Xamaas ku tilmaameen mid argagixiso.
  • Midowga Africa oo bayaan ka soo saaray dagaalka ayaa sheegay in dhibaatda jirta looga bixi karo in la helo dowalad Faslastiin ah oo madax bannaan si shacabka Falastiin u helo xuquuqdiisa asaasiga ah.
  • Qatar waxey mas’uuliyadda dusha uga tuurtay Israel, iyada oo ku eedeysay in ay iska dhega tirtay baaqyadii caalamka iyo fulinta heshiisyadii hore loo galay, sida laga soo xigata wasaaradda arrimaha dibadda.
  • Qaar ka mid dowladaha Caalamka oo arrintaan dhaxdhaxaad ka ah ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay si dedg-deg ah u joojiyaan dagaalka si looga fogaado khasaare dheeraad ah.
  • Poland waxay sheegtay in ay boqolaal muwaadiniinteeda ah kasoo daad gureysay Isarel.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here