Friday, October 18, 2024

Wariye Xuseen Cabdulle Maxamed oo lagu xiray Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Ciidamada Nabad Suggidda Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaca ah xiray Xuseen Cabdulle Maxamed, oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Ilo ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay xariga wariyaha saaka, balse ilaa hadda faah faahin dheeraad ah kama bixin sababta rasmiga ah ee loo xiray.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Wariyaha loo xiray sababa la xiriira warbixin uu ka diyaariyay Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Suggidda Qaranka ee NISA.

Dhawaan ayay ahayd markii wariye Maxamuud Cadbirashiid Cabdi (Boodboode) oo ka howl gala Radio Ergo lagu xiray magaalada Luuq ee gobolka Gedo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here