Sunday, September 8, 2024

Wasaaradda Amniga oo faahfaahin ka bixisay dib u habeynta xasilinta Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Amniga Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay dib u habeynta xasilinta caasimadda Muqdisho.
Wasiirka ayaa tilmaamay in wax weyn laga qabtay amniga Muqdisho kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay ciidanka ka howlgala caasimadda, kuwaas oo ku guuleystay inay ka hortagaan qataraha ku wajahan muwaadiniinta.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in tababar dheri ah la siiyay ciidanka amaanka Muqdisho sidoo kalena ay heystaan dhammaan agabka casriga ah ee ciidanku adeegsado xilliyada howl-gallada.
“ Waxyaabaha la xiriira howl-gallada waxaa u xilsaaran Nabad Sugidda ama Booliska, ayaga ayaana ku shaqo leh. Wixii kor-joogteyn, sharci sameynta iyo siyaasadda ah waxaa ka mas’uul ah wasaaradda”. ayuu yiri. Wasiir Doodishe.
Wasiirka ayaa intaas raaciyay in kala baxsanaanta shaqada ciidanka ay sababtay isbeddelka ku yimid amniga magaalada Muqdisho.
Baryihii danbe, waxaa soo muuqanaayay in amaanka magaalada Muqdisho kasoo hagaagayay sidii hore taas oo ku timid ciidanka ka howlgala dhammaan waddooyinka magaalada kuwaas oo yareeyay dilalki iyo falalkii dhaca ahaa ee loo geysan jiray shacabka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here