Sunday, September 8, 2024

Wasaaradda dibadda Sacuudiga oo qaladay magaca ergayga Xasan Sheekh

Riyaad (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal farriin ah u diray Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa ujeedada farriinta kusoo koobtay arrimo ku saabsan xiriirka labada dal, waxeyna sheegtay in farriinta uu siday Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku magacaawday Maxamuud Daahir Geelle.

Sawirka ay Wasaaraduu ku baahisay barteeda X waxaa ka muuqda safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo farriinta ku wareejinya wakiilka wasaaradda arrimha dibadda Sacuudiga ee arrimaha siyaasadda Sacuud bin Maxamed.

Wasaaraddu magaca Daahir waa kala hormarisay sidaas ayayna Wakaaladda Wararka ee Sacuudigu usii faafisay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here