Monday, September 16, 2024

Wasaaradda haweenka oo laga bedelay magaca loona magacaabay Bashiir Goobe

Muqdisho (Dawan)- Magacaabis kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu shaaciyay in Generaal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) loo magacaaby Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Magaca Wasaaradda ayaa horay u ahaan jiray Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, waxaana loo magacaabi jiray oo kaliya dumar. Magac beddelaaddan lagu sameeyay wasaaradda waxay suurta gelineysa in ragga iyo dumarku u sinnaadaan hoggaaminteeda hadda kadib.

Magaabista Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) ee Wasaradda waxay imaaneysa kadib maalmo markii loo doortay inuu ka mid noqdo Golaha Shacabka, wuxuuna buuxin doona jagada Wasaaraddan oo bannaaneed tan iyo markii ay Khadiija Maxamed Diiriye si kedis ah ugu geeriyootay Jabuuti bishi December ee lasoo dhaafay.

Xubnaha kale ee la magacaabay ayaa kala ah; Cumar Cali Cabdi oo laga dhigay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) oo loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo noqon doona Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here