Saturday, September 7, 2024

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya: Waan ka guuleysan doonnaa argagixisada

Wajeer (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Kenya Kithure Kindiki oo u tegay ismaamulka Wajeer, si uu uga qeyb galo munaasabad lagu daah furaayay Xaruta dhexe ee degmada Kotulo, ayaa  sheegay in dowladda Kenya aysan marnaba ka gaabin doonin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degmada Kotulo ee la  howlgeliyay, ayaa noqon doonta xarunta dhexe ee ismaamul goboleedka, waxaana Faarax Xasan Maxamed loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee degmada.

Wasiirka  ayaa tilmaamay in cadawga ugu weyn ee dalka Kenya yahay  Al-shabaab, wuxuuna ballan qaaday in ay ka go’an tahay laamaha amniga in ay ka shaqeeyaan sugidda amniga magaalooyinka Mandera, Garissa, Wajeer iyo Lamu.

“Laamaha amaanku waxey  si hagar la’aan uga shaqeeyaan ka hortagga dambiyada iyo la dagaalanka amni xumada ka jirta gobolka Waqooyi Bari. Qaar ka mid ah saraakiisheena ayaa naftooda ku waayay, kuwa kale ayaa u dhaawacmay si amniga loo sugo. Geesiyaalkaas waddaniyiinta ah kuma filno abaal marin la guddoonsiiyo” ayuu yiri, Kithure Kindiki

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isaga oo sidoo kale u digay waalidiinta aan ka warqabin ciyaalkooda kuwaas oo gacanta u gala kooxaha argagixisad kadibna la asgareeyo.  

“Argagixisadu weli waa mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee  amniga qarankeena, waanse ka guuleysan doona.  Waalidiinta iyo dadka ka mas’uulka ah ardayda waa in ay feejignaadaan oo ay ku barbaariyaan carruurtooda inay ka fogaadaan xagjirnimada iyo ku biirista asgarta kooxaha argagixisada” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Kithure Kindiki ayaa dhanka kale sheegay in dowladdu aysan marnaba u dul qaadan doonin dilalka sharci darrada ah isagoo sheegay in laga soo gudbay dhacdooyinkii dadka lagu wayn jiray.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore  weeraro isugu jira qaraxyo iyo af-duub ka geystay  Waqooyi-Bari Kenya, waxaana ugu dambeeyay qarax ay ku dhinteen afar qof oo ka dhacay degmada Ceel-waaq ee ismaamulka Mandera.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here