Thursday, September 19, 2024

Wasiirka Difaaca Mareykanka oo markii 3-aad la dhigay Isbitaal

Washington (Dawan)- Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa shaacisay in wasiir Lloyd Austin uu si ku meel gaar ah xilkiisa u wareejiyay shalay oo Jimca ahayd, si uu u maro qalliin la xiriira xanuun dhanka kaadi-haysta.

Bayaanka kasoo Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in Austin uu go’aansaday in uusan awoodin in uu guto waajibaadkiisa inta lagu sameynayo qalliinka, wuxuuna xilka ku wareejiyay haweeneyda ku xigeenka u ah ee Kathleen Hicks.

Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in dhibaatada kaadi-heysta aysan xiriirin la lahayn xanuunka kansarka ah ee uu qabo Austin, iyada oo sidoo kale caddeysay in xaaladdiisa caafimaad lala socodsiiyay Aqalka Cad iyo Congress-ka.

Austin ayaa laga waayay shaqada Dowladda Mareykanka dabayaaqadii December iyo sidoo kale horraantii January , ka dib markii uu xanuunka Kansarka la galay Isbitaal, isaga oo ka qariyay Madaxweyne Joe Biden.

Austin ayaa raali galin bixiyay arrintaas ka dib markii uu la kulmay dhaleecayn siyaasadeed oo aad u xoogan, iyada oo siyaasiyiinta kasoo jeeda Xisbiga Jamhuurigu ay dalbadeen in xilka laga qaado.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here