Sunday, September 8, 2024

Wasiirka difaaca Soomaaliya: Taageerada Turkiga wax loo dhigi karo ma jiraan

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa ku tilmaamay heshiiska iskaashiga difaaca ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiya mid kaalin muhiim ah ka qaadan doona difaaca qaranimada Soomaaliya.

Halkaan waxaan idiin kugu soo gudbinaynaa nuxurka wareysi uu Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, siiyay TRT World, ugana hadlaayo ujeedada heshiiska

  • Heshiisku waxa uu ka dhigan yahay in si wada jir ah loogu heelan yahay in meesha laga saaro dhammaan noocyada falalka sharci darrada ah, waxa uuna sidoo kale dhabbaha u xaaraya dhismaha ciidan badeed oo tayo leh, kaas oo ah tiirka difaaca badda Soomaaliya.
  • Heshiisku waxa uu xoojinaya dhaqaalaheena buluuga ah ee kobcaya, iyo inaan abuurno waddooyin cusub oo gaarsiin kara muwaadiniinteena iyo Gobolka barwaaqo ah ballaaran
  • Waxaan ku rajo weynahay iyada oo laga faa’iideysano khibradda iyo taageerada ciidamada badda ee Turkiga, in ciidamadeena baddu ay heli doonaan tababar adag si ay u gaaraan heerarka caalamiga ah. Kaalmada ay Turkigu ku bixisay dhinacaan runtii waa mid aad u qiimo badan.
  • Haddii aan nahay Soomaali, mar kasta oo aan la kulanno dhibaatooyin, waxaan taageero iyo garab istaag ka helnaa walaalaheen Turkiga.
  • Kalsoonida naga dhaxeysa kuma imaan hal habeen ee waxa ay ka turjumaysaa mas’uuliyadda nasaaran iyo waxa ay taariikhdu na bartay, waxaana go’aansanay in kalsoonidaas aan la jabin karin.
  • Tan iyo sannadkii 2011-kii, Turkigu waxa uu noo fidiyay gacan walaaltinimo oo rajo u noqotay shacabka Soomaaliyeed. Farriimaha farxadda leh ee ay soo gudbinayaan dadka Soomaaliyeed heshiiskaan ka dib ayaa ka markhaati kacaya muhiimadda xiriirka laba dal.
  • Soomaaliya waxaa soo wajahay dhawaan caqabado badan oo sugidda amniga xeebaheeda ka dhigaya hawl adag. Ciidanka Badda ee Turkigu waxey kalsooni siinayaan saaxiibada waxayna ku beeraan argagax qalbiyada cadawga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here