Saturday, September 28, 2024

Wasiirka difaaca: Turkigu waa tiirarka ugu muhiimsan xasiloonida Soomaaliya

Ankara (Dawan)- Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay muhiimadda uu Turkiga u leeyahay taageerada Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay Turkiga inuu yahay dal walaalo ah, wuxuuna ku ammaanay sida ay uga qeyb qaadanayaan amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hadalkaan u sheegay wakaaladda wararka Anadolu xilli uu ka qayb gelayay Bandhigga Difaaca Caalamiga ah ee Azerbaijan (ADEX 2024)

“Taageerada Turkiga ee Soomaaliya waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee amniga iyo xasiloonida Soomaaliya,” ayuu yiri; Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka waxa uu sidoo kale bogaadiyay soo dhaweynta ay u fidisay Azerbaijan, waxa uuna hoosta ka xariiqay saaxiibtinimada ka dhexeysa Soomaaliya iyo Azerbaijan, isaga oo xusay inay doonayan inay ka faa’iideystaan khibradda dhanka amniga iyo difaaca.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here