Monday, September 16, 2024

Wasiiru dowlaha Difaaca Uganda oo wadna xaunnun u geeriyootay

Kampala (Dawan)- Wasiiru dowlaha wasaaradda Difaaca Uganda Sarah Mateke ayaa u geeriyootay wadno xanuun muddo kooban hayay, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta

Wasiirada ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Kampala ee caasimadda dalkaas, halkaasi oo lagula cararay subaxnimadii maanta kadib markii laga qabtay wadnaha.

“Waxaan aad uga xumahay inaan ku dhawaaqo geerida wasiiru dowlihii gaashaandhigga sidoo kalena ahayd xildhibaanka Kisoro” ayuu yiri, wasiirka warfaafinta, Chris Baryomunsi.

Mateke ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga bishii April ka dib markii madaxweyne Yoweri Museveni uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada, isaga oo kasoo wareejiyay wasaaradda jinsiga. Waxay sidoo kale ahayd xildhibaan.

Madaxweyne ku xigeenka Jessica Alupo ayaa sheegtay inay aad uga naxday geerida Mateke, waxeyna barteeda X kusoo qortay ” Waxaa isoo gaartay geerida lama filaanka ah ee Sarah Mateke, waxaan tacsi u dirayaa qoyskeeda, madaxweynaha Uganda, shacabka Kisoro, iyo dhammaan shacabka Uganda,”

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in wasiiradu qorsheynaysay inay u safrto Kuuriyada Koonfureed gelinka dambe ee maanta oo Sabti ah.

Maxaan ka naqaan Sarah Mateke?

Sarah Mateke Nyirabashitsi waxay ku dhalatay 15 July 1974, deegaanka Chahi, degmada Kisoro ee gobolka Kigezi.

Waxay booska saddexaad uga jirtay lix walaaal oo la dhashay. Aabaheed waxa uu ahaa siyaasi, waxa uu hore u soo noqday wasiiru-dowlaha arrimaha gobollada, hooyadeedna waxa ay ahayd macallimad .

Sarah waxay waxbarashada ka billaawday Dugsiga Sememe Integrate ka dibna waxay ku biirtay Dugsiga Sare ee Maryhill.

Waxay gashay Jaamacadda Bugema waxayna ku takhasustay maamulka ganacsiga. Waxa kale oo ay shahaadada Masterka ee Caafimaadka Dadweynaha ka qaadatay isla Jaamacaddaas kadibna waxay Shahaadada Dibloomada ee Maamulka iyo Maareynta Dadweynaha ka heshay Jaamacadda Uganda Christian

Waxay soo noqotay guddoomiyaha guddiga sare ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Metropolitan iyo Machadka Maareynta Magaalooyinka Makerere, Kampala.

Sannadkii 2021-kii, waxay u tartantay Xildhibaanimada deegaanka Kisoro oo ah Galbeedka Uganda, iyadoo ka guulaysatay Rose Kabagyeni.

Waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha shaqada iyo horumarinta bulshada (Carruurta iyo dhalinyarada), iyadoo bedashay Florence Nakiwala Kiyingi.

Horaantii sanadkan, Sarah, oo xubin ka ah xisbiga talada haya ee National Resistance Movement (NRM), ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha gaashaandhigga kadib isku shaandheyn uu madaxweyne Museveni ku sameeyay golaha wasiirada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here