Friday, October 18, 2024

Wax badan ka ogaaw mashruuca Badmaal ee ay ku baxayso $ 55 milyan

Muqdisho (Dawan)- Waa waqtigii bulshooyinka xeebaha Soomaaliya ay heli lahaayeen Fursado. Waxaad markaan heli doontaa fursado cusub, oo la jaanqaadaya horumarka dunida ee ku aaddan dhaqaalaha buluuga ah.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Bangiga Adduunka ayaa bilowday mashruuca horumarinta kalluumeysiga waara ee “Badmaal”, oo ah dadaal ballaaran oo lagu hagaajinayo bulshada xeebaha iyo kor u qaadista waaxda kalluumeysiga. Mashruucan oo leh dhaqaale dhan USD 55 milyan ayaa ujeeddadiisu tahay ;

  • in awood loo siiyo bulshooyinka deegaanka
  • in la dhiirrigeliyo dhaqamada kalluumeysiga waara
  • iyo taageeridda adkaysiga cimilada ee aagagga xeebaha.

Mashruucan ayaa waxaa ansixiyay Bangiga Adduunka bishii Juun 2024,

“Mashruucaan Badmaal oo ay ةaalgelinayaan Bangiga Adduunka iyo sanduuqa isku xirka deeq bixiyayaasha ayaa fursad gaar ah u ah in la muujiyo awoodda kalluumeysiga Soomaaliya u leeyhay inuu ka qaybqaato kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada” Julian Million oo ka socda Bangiga Adduunka ayaa munaasabadda ka sheegay sidaas.

Mashruucaan wuxuuna ka kooban yahay saddex qaybood oo waaweyn oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha badda (Blue Economy).

Qaybta koowaad waxay ujeedadeedu tahay in la hagaajiyo kaabayaasha kalluumeysiga yaryar, taas oo faa’iido u yeelan doonta ilaa 40,000 kalluumeysato iyo shaqaale. Waxay hiigsanaysaa in kor loogu qaaddo hababka kalluumeysiga 50% iyo kordhinta qiimaha lagu daro hababka farsamaynta iyo suuqgeynta 30%, taas oo keeni doonta tayada wanaagsan iyo helitaanka suuqyada kalluunka Soomaaliyeed.

Qaybta labaad waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo maamulka kalluumeysiga badaha iyadoo loo marayo sharciga kalluumeysiga ee 2023. Waxay sidoo kale ka kooban tahay horumarinta nidaamka kormeerka, xakamaynta iyo ilaalinta (MCS) si loola dagaallamo kalluumeysiga sharci-darrada ah, ee aan la diiwaangelin iyo kan aan la xakamayn (IUU), kaas oo la qiyaasay inuu ka kooban yahay 30% kalluumeysiga biyaha Soomaaliya. Intaa waxaa dheer, mashruucani wuxuu taageeri doonaa qiimaynta tirada kalluunka, kaas oo la qiyaasayo inuu daboolo 70% khayraadka badda, iyo daraasado lagu horumarinayo dhaqaalaha badda 20% marka la gaaro 2030.

Qaybta saddexaad waxay diiradda saaraysaa maaraynta mashruuca, iyadoo la hubinayo u hoggaansanaanta heerarka deegaanka iyo bulshada ee ay dejisay Bangiga Adduunka. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Badda ayaa mas’uul ka noqon doonta fulinta, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro 80% u hoggaansanaanta heerarka maaliyadeed iyo 90% heerka raalli ahaanshaha ka-faa’iideystayaasha.

Mashruuca Horumarinta Kalluumeysiga Waara ee Badmaal waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu xoojiyo adkaysiga isbeddelka cimilada, gaar ahaan bulshada xeebaha oo si aan sinnayn u saameeyaan kuleylka adduunka, kalluumeysiga xad-dhaafka ah, iyo dhibaatooyinka dhaqaale. Iyada oo loo marayo bixinta fursado nololeed oo waara, mashruucu wuxuu ujeedadiisu tahay inuu hagaajiyo nolosha ilaa 1.5 milyan oo qof oo ku tiirsan kalluumeysiga.

Mashruucan oo la filayo inuu dhammaado bisha Juun 2030, isagoo ballan-qaadaya inuu kor u qaado nolol-wanaagga bulshada kumannaan qoys oo ku tiirsan khayraadka badda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here