Friday, October 18, 2024

Wax badan ka ogaaw sida lagu dhiso waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Ma canshuur ayaa lagu dhisaaa waddooyinka Muqdisho? Mise mashruucii Madaale ee “Haldoolar dalkaaga ku dhiso” ahaa ayaa weli shaqeeya? Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha gobalka Banaadir midkee run sheegaya?

Habraaca lagu dhiso waddooyinka Muqdisho

Iyada ayaaba iska caddaan doonta ee aan marka hore fahano habraaca waddooyinka Muqdisho lagu dhiso: Waa howl ka billaabata guddi ka kooban ganacsato, culumaa’u diin iyo masuuliyiinta bulshada rayidka ah oo go’aamiya waddooyinka la dhisayo kadib qiimeyn ku saleysan baahida bulsheed ee taagan.

Marka ay timaado kharashka ku baxa, waxaa loo qeybiyaa saddex saami oo ay kala bixiyaan:

  1. Ganacsatada Gobolka oo 50% bixisa.
  2. Milkiilayaashada dhulalka waddada la dhisayo kulaala oo 15 % bixiya iyada oo lagu saleeyo sida ay boosasku ugu kala dhowyihiin waddada.
  3. Iyo Gobolka Banaadir oo bixiya 35 %.

Maamulka Gobolka ayaa maamula qandaraas-bixinta, dabcan mana jiro tartan daahfuran ee shirkaduhu galaan, waana sababta loo tiiriyo tayo xumada waddooyinka caasimadda laga dhiso.

Arrinkaan ayaa ka duwan marka la barbardhigo magaalooyinka kale ee dalka oo hela taageero dibadeed oo qeyb ka ah mashaariic horumarineed, sababta ugu weyn ee gobolku uusan taageeradaan qeyb uga helin ayaa ah habka xisaabaadkiisa iyo maamulka maaliyadeed oo aan lahayn daahfurnaan.

Waddooyinka Muqdisho ee aad aragtaan 35% ayaa ah canshuur, haa Ra’iisul wasaarahaha hadalkiisa 35% ayaa run ka ah, balse canshuurtaas waa tan gobolka uu qaado ee kuma jirto tan federaalka, waloow uu jiray heshiis aan hirgalin oo ay wasaaradda maaliyaddu la gashay gobolka Banaadir oo xusayay in 50% ay dowladda federaalku bixineyso.

Hal doolar dalkaaga ku dhiso: hal-hays mise howl?

Aan u soo laabano mashruucii “Hal doolar dalkaaga ku dhiso” ee uu Madaale shaaciyay muddo xileedkiisii hore ee Xasan Sheekh, haddana uu sheegay in waddooyinka lagu dhiso.

Dawan TV oo la xiriirtay ilo kala duwan oo arrintaan xiriir la leh waxa ay ogaatay in aysan jirin haba yaraatee wax tabarucaad ah oo labadii sano ee ugu dambeeyay ku dhacay account-yada mashruuca “hal dollar dalkaaga ku dhiso”.

Dhanka kale waxaan ogaanay in aysan jirin shaqaale gobolka Banaadir ka tirsan oo mashruuca la xusay si gaar ah uga shaqeeya iyo xafiisyo uu leeyahay, sidoo kale aysan jirin miisaanid ugu jirta qoondada miisaaniyadda ee gobolku soo bandhigayay labadii sano ee ugu dambeysay.

Masuuliyiin codasaday inaanan magacooda xusin oo oo Gobolka ka tirsan ayaa ku soo koobay in mashruucu yahay “hal qabsi” oo guddoomiyuhu leeyahay, balse uusan ahayn mashruuc shaqeeya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here