Thursday, September 19, 2024

Weerar dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Ruushka

Moscow (Dawan)- Koox hubeysan ayaa weerar la beegsaday goob ay Yahuuddu ku cibaadeysato iyo laba Kaniisadood oo ku yaal gobolka Dagestan ee dalka Ruushka.

Warbaahinta Ruushka oo soo xiganaya madaxa gobolka Dagestan ee koonfurta Ruushka ayaa sheegtay in weeraradii ka dhacay gobolkaas lagu dilay in ka badan 15 askari oo ka tirsan laamaha amaanka.

Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in sidoo kale ay jiraan dhimasho soo gaartay dad shacab ah.

Fiidnimadii Axadda, Guddiga La-dagaalanka Argagaxisada ee Ruushka ayaa ku dhawaaqay in lasoo gabagabeeyay howlgal ka dhan ah kooxdii ka dambeysay weerarka, iyada oo la dilay laba ka mid ah kooxdaas.

Mar dambe Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ka takhaluseen afar ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday.

Weeraradan ayaa ka dhacay magaalada Makhachkala ee caasimadda gobolka Dagestan iyo magaalada xeebta ku taal ee Derbent ee isla gobolkaas.

Dagestan waa gobol ka tirsan Ruushka oo ay ku badanyihiin Muslimiinta, kaas oo xuduud la leh gobolka Chechnya, sidoo kale wuxuu ku dhow yahay wadamada Georgia iyo Azerbaijan.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarrada ka dhacay gobolka Dagestan ee gaystay khasaaraha isagu jira dhimashada iyo dhaawaca.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in la xiray laba wiil oo uu dhalay nin mas’uul ka ah magaalo ku taal bartamaha Dagestan kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weeraarada.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya saddex bilood ka dib markii 145 qof lagu dilay weerar ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Daacish, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goob masrax ah oo ku dhow magaalada Moscow, wuxuuna ahaa weerarkii ugu xumaa ee Ruushku ka dhaca muddo sannado ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here