Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, William Ruto, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Saalim Ibraahim Al-Naqbi, Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhi doona Kenya, iyadoona xaflada soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxtooyada dalkaas.
Danjiruha cusub ayaa farriin uu ka siday madaxweynaha dowladdiisa Sheekh Maxamed bin Zayed Al-Nahyan guuddoonsiiyay Madaxweynaha Kenya, wuxuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dowladood.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay magcaabista Danjire Saalim Ibraahim, isaga oo u rajeyayay inuu ku guuleysto shaqada loo soo igmaday iyo xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna ballan qaaday in xukuumaddiisu kala shaqeyn doonto fududeynta howlihiisa shaqo.
Munaasabadda soo dhaweynta kadib ayey madaxweyne Ruto iyo Danjire Saalim dib u eegis ku sameeyeen dhinacyada iskaashiga Imaaraadka iyo Kenya, waxaana laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah si looga mira dhaliyo yoolka labada dowladood iyo shacabkooda.