Thursday, October 3, 2024

Xaafado ka tirsan magaalada Nairobi oo biyo la’aan ah

Nairobi (Dawan)- Xaafado badan oo ka tirsan caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa wajahaya biya la’aan, sida ay Dawan TV u sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool magaaladaaas.

Xaafadaha ay biya la’aantu ka jirto waxaa ka mid ah South B iyo C, Standard Gauge Railway Athi River Export Processing Zone, Coca Cola, Mukuru, Imara Daima, Embakasi, Tassia, Gikomba, Pumwani, Majengo iyo Shauri Moyo.

Sida warbaahinta gudaha dalkaas ay sheegtay, garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ayaa ka mid ah goobaha ay ka maqanyihiin adeegayda biyaha maanta oo Khamiis ah iyo berri.

Shirkadda bixisa adeegyada biyaha ee magaalada Nairobi ayaa arrintan ku sababeysay inuu socodo dib u habeyn lagu sameynayo dhuumaha biyaha qaada taas oo qayb ka ah mashruuca dhismaha marinka dhulka ee Green Park.

Waxaa la saadaalinaya in caqabadda biya la’aantu ay sii socon doonto maalmaha soo socda taas oo dhibaato ku ah qaybaha kala duwan ee nolosha dadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here