Monday, September 16, 2024

Xamsa: Dad badan oo saraakiil ku jirto ayaan u xirnay qaraxa

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay xeebta Liido Jimcihii loosoo xiray dad badan oo ay ku jiraan saraakiil, iyada oo ay weli socdaan baaritaano dheeraad ah.

Hadalkan ayuu sheegay Xamsa kadib markii uu booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa kuwaas oo lagu baxnaaninayo isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna yiri; “Waxaan qaadnay tallaabooyin deg-deg ah oo la iskula xisaabtamayo, dad badan oo la tuhmayo oo ay saraakiil ku jirto ayaa xiran, baaris kalana waa ku jirnaa, waxaana rajeynayaa in aan qaaddi doonno tallaabo adag oo dhinaca amniga ah.”

Dhanka kale, waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro ururka Al-shabaab, isaga oo ku tiomaamay koox gabalkoodii sii dhacayo una taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed.

Weerarkii lagu qaaday xeebta Liido Jimcihii lasoo dhaafay, waxaa ku dhintay 37 ruux, halka 247 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna xustay in dagaalyahanadooda ay dileen 54 ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay dhaawaceen 87 kale.
Nawaaxiga Xeebta Liido ayaa caan ku ah Hoteelo iyo Maqaayado waaweyn oo inta badan loo nasiino tago, waxaana horay uga dhacay weeraro sidaan oo kale ah.

Muddo sanado ah ayay dowladdu dagaal kula jirtay ururka Shabaab oo la aas-aasay horraantii sannadkii 2004-tii, waxaana laga saaray magaalooyin waawayn inaksta oo ay weli awood ku leeyihiin dhowr magaalo iyo dhulka miyiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here