Monday, September 16, 2024

Xamsa: Masar waxay mar walba safka hore kaga jirtaa dalalka na taageera

Qaahira (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo booqasho aan horay loo sii shaacin ku tegay Qaahira ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar, Mustafa Kamaal Madbouly.

Labada dhinac ayaa kawada xaajooday xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, waxaana booqashada Xamsa kusoo beegmeysa iyada oo xaaladda gobolka ay cirka isku sii shareertay maalmihii ugu dambeeyay kadib markii Masar ay Muqdisho kasoo dejisay diyaarado miltaeri.

Xamsa ayaa yiri; ” Iskaashiga Masar iyo Soomaaliya waa mid dhinacyo badan leh, mana ahan mid cusub . Sababtoo ah Muqdisho waxay xiriir iskaashi oo taariikhi ah la leedahay Qaahira, Masarna waxay mar walba safka hore kaga jirtaa dalalka na taageera.”

Waxa uu intaas raaciyay; Waxaan ku faaneynaa xiriirkan sharafta leh, waxaana dooneynaa inaan sii xoojinno heerarkiisa kala duwan”

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaraha Masar ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda u garab taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in waqtiga soo socda uu faa’iido weyn u leeyahay Soomaalida.

“Xaqiijinta midnimada Soomaaliya iyo taageerada walaalaheen Soomaaliyeed ayaa hadda ka mid ah waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda Masar” sidaas waxaa yiri, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xaqiijiyey sida ay dowladda Masar uga go’an tahay isla markaana ay si buuxda u doonayso inay Soomaaliya ka taageerto dhinac walba, isaga oo si gaar ah usoo qaatay dhinaca iskaashiga ganacsiga.

“Waxaan diyaar u nahay inaan u dhoofino Soomaaliya badeeca kasta oo ay u baahantahay, waxaana ku bixin doonnaa dadaal kasta oo lagu fududeynayo howshaas si loo daboolo baahiyaha muwaadinka Soomaaliyeed”

Badeecadaha Masar ay usoo dhoofiso Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay qaybta hore ee sanadkan 2024-ka inay gaartay $57 milyan, halka isla sannadki hore ahayd $31 milyan, taas oo ah koror dhan 83%.

Badeecadaha ay Soomaaliya u dhoofiso Masar ayaa lagu qiyaasay sannadkana lacag dhan $2 milyan, taas oo ka badan marka la barrbar dhigo sannadki hore oo ahayd $300,000.

Bartamihii bishaan August, waxaa Qaahira booqasho ku tegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyada oo labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here