Monday, September 16, 2024

Xamsa oo bogaadiyay howlgalka lagula wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji

Kismayo (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ayaa bogaadiyay howlaglka ay Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland kula wareegeen Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose oo 80-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo.

“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada Halyeeyada Qaranka ee sida geesinimada, Dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan”. ayuu yiri, Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacanna kula dirirayso kooxda Al-shabaab gacanna ay ku daryeelayso shacabka , isaga oo intaas ku daray in goobaha la xoreeyey la gaarsiin doono adeegyadii aas-aasiga ahaa sida waxbarashada, caafimaadka iyo hay’adaha amniga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here