Sunday, September 8, 2024

Xamsa oo casuumaad ka helay Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa casuumad ka helay dowladda Imaaraadka Carabta si uu uga qey galo shirka isbeddelka cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka Imaaraadka bisha December 2023.

Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi, ayaa soo gaarsiiyay casuumaadda Ra’iisul Wasaaraha kadib markii uu maanta kulan kula qaatay xafiiska xukuumadda.

Xamsa ayaa ka mahadceliyay taageerada dhinacyada badan ee ay u dowladda Imaaraatu u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada.

Dhankiisa Danjire Al Rumaithi ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, wuxuuna adkeeyey sida ay Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta taageerada uu siiyo Soomaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa soo hagaagay kadib doorashadii Xasan Sheekh, waxeyna Imaaraadku dib u billaawday kaalmadii iyo taageeridii ay siin jirtay Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan.

Madaxda Soomaaliya ayaa dhowr jeer booqatay Imaaraatka Carabta bilihii lasoo dhaafay, waxaana jira dhowr heshiis oo ay kala saxiixdeen laba dal, inkasta oo aan la marsiinweli labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here