Monday, September 16, 2024

Xamsa oo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga Africa iyo Kuuriyada Koonfureed

Seoul (Dawan)- Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Xamsa cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay shir-madaxeedka Koonfurta Kuuriya Iyo Wadamada Africa oo maanta ka billaawday caasimadda Seoul.

Xamsa ayaa khudabaddiisa uga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Jamhuuriyadda Kuuriya iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.

“Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa weli la halgamaya kaabayaasha dhaqaalaha, helitaanka tignoolajiyada,iyo horumar waara. Waayo aragnimada Kuuriya iyo awoodeeda tignoolajiyada horumarsan ayaa laga helaya iskaashi qiimo leh oo wax looga qabanayo  caqabadahan iyo kobcinta horumarka wadajirka ah” ayuu yiri, Xamasa.  

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameyneyso isbeddalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, isla markaana Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuurayo fursado maalgashi iyo iskaashi dhinaca ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay dhacdo goob istiraatiiji ah oo isku xireysa Afrika iyo Asia, isla markaana Alle ugu deeqay kheyraad dabiici ah, wuxuuna ugu baaqay shirkaaha ganacsiga Koonfurta Kuuriya in ay maalgashadaan Soomaaliya

Xamasa ayaa yiri; ” Goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ay ku taal oo ah  isgoysyada isku xira  Afrika iyo Aasiya waxay leedahay faa’iidooyin gaar ah. Ku biiristeena  Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxay xoojinaysaa awoodda Soomaaliya oo ah albaab laga galo Suuqa Bariga Afrika, taasoo ah fursad lagu gaari dad ka badan 300 milyan oo qof”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay guulo waaweyn ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha iyo weliba sharciyada ee dalka, ee fududeyneya maalgashiga caalamiga ah.

” Soomaaliya waxay ku tillaabsatay horumaro la taaban karo oo dhinacyada amniga iyo siyaasadda ah, waxaana ka go’an inay kusii socoto waddada toosan ee isbedelka dhameystiran”

Waxa uu sheegay in uu rajeynayo in waaya-aragnimada Kuuriya ee dhinacyada farsamada, tiknoolajiyadda iyo caafimaadka ay door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub ee iskaashi ee u billowday Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

“Waaya-aragnimada ay Kuuriya u leedahay  tignoolajiyada, horumarka waara iyo daryeel caafimaad ayaa kaalin  muhiim ah ka ciyaari kara dadaallada horumarka”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here