Sunday, September 8, 2024

Xamsa oo Seoul kulan kula qaatay madaxa Hay’adda KOICA ee Kuuriya

Seoul (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka mid ah madaxda Afrika ee ka qayb galaysa shir-madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo lagu wado in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Seoul.

“Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka warramay muhiimadda uu dalkeennu u leeyahay is-beddelka dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 30 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta” ayaa lagu yri, qoraal kasoo baxay xafiiska xukuumadda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha Hay’adda KOICA uu muujiyay sida ay uga go’an tahay inay taageeraan hindisayaasha uu Raiisul Wasaaraha kala hadlay gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here