Sunday, September 8, 2024

Xamsa oo Seoul uga qayb galaya shirka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika

Seoul (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shir- madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay yeeshaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriyada Koofureed, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska xukuumadda.

Xamasa ayaa khudbaddiisa ku dul istaagi doona dhawr qodob oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaallada dowladda ee dhinacayada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Shirka waxaa lagu eegi doona sidii labada dhinac ay iskaashi uga yeelan lahaayen dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, hormarinta ganacsiga, kobcinta dhinacyada farsamada iyo tiknoolijiyadda.

Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saari doono dhibaatooyinka dunida soo wajahaya sida saameynta isbedelka cimilada, cunna yarida iyo dhibaatooyinka dhanka caafimaadka iyo tamarta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here