Tuesday, September 24, 2024

Xamsa oo shir doceedyo kula yeeshay New York qaar ka mid ah madaxda dunida

New York (Dawan)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa cabdi Barre oo magaalada New Yor ee Mareykanka u jooga ka qayb galka Kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda dowladaha caalamka.

Mas’uuliyiinta uu Xamsa la kulmay, waxaa ka mid ah Dhaxalsugaha dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak, isaga oo kala hadlay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan. Dhaxalsugaha ayaa ku bogaadiyaya dowladda Soomaaliyeed horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Xamse iyo Dhaxalsugaha Kuwait

Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu sidoo kale kulan doceed la qaatay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka.

Xamsa iyo Linda Thomas-Greenfield

Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kula kulmay New York.

Kulan doceedka ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha waxay uga wada hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Yemen, iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta nabadda iyo aminga gobolka gaar ahaan marinka Badda Cas.

Wafdiga Yemen ayaa Soomaaliya ka codsaday in sanadka dambe 2025 marka ay la wareegto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay gacan ka geysato xasillinta colaadda Yemen, iyo sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka Yemen.

Dhinaca Soomaaliya ayaa kulanka ku dalbatay in dowladda Yemen ay xoogga saarto adkeynta amniga soohdimaha u dhaxeeya labada dal, si aanay ugu suurtagelin kooxaha argagixisada ah in saanad u soo gudbiyaan dhinaca Soomaaliya.

Xamsa iyo Rashad Maxamed

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here