Monday, September 16, 2024

Xamsa oo u dhoofay Ciraaq kadib markuu casuumaad ka helay dhiggiisa

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Sida aan kasoo xiganay xafiiska Xukuumadda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.

Dhawaan, Ra’iisul Wasaara ku xigeenkii hore ee dalka, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha Ciraaq, Cabdiladiif Jamaal Rashiid, waxeyna labada dal ballan qaadeen in sare loo qaado wadashaqaynta iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal oo xilligaan kasoo kabanaya burbur iyo dagaallo.

Bishii hore, La-taliyaha Amniga Qaranka , Xuseen Sheekh Cali ayaa booqasho ku tagay dalka Ciraaq isaga oo la kulmay dhiggiisa dalkaas, Qaasim Al-Acraji.

Qoraal kasoo baxay xafiiska La-taliyaha Amniga Qaranka xilligaas ayaa lagu xusay in labada dhinac ay is-dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha taagan iyo danaha labada dal, oo ay ka mid yihiin iskaashiga la dagaalanka kooxaha argagixisada, amniga iyo xasiloonida gobolka iyo is dhaafsiga khibradaha.

Wafdiga uu hoggaaminayay La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta hay’adaha kale ee amniga, waxeyna booqdeen qaar ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Ciraaq.

Xiriirka labada dal ayaa hoos u dhacay kadib burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, inkasta oo safaaradda Soomaaliya ee Bagdaad dib loo furay sannadkii 2015, xilligaas oo safiir looga dhigay Khadiija Maxamed Al Makhzoumi oo hadda ah Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya.

Booqashada tirada badan ee mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay ku tagayaan dalka Ciraaq ayaa loo arkaa tillaabo ay labada dal ku doonayaan inay kusoo celiyaan xiriirkii xoogana ee waaayadii hore inkasta oo ay labada dal la daala dhacayaan caqabado inta badan isku mid ah sida xasilooni darradda iyo jahwareerka siyaasadeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here