Monday, September 16, 2024

Xaqiijin: Deegaanada ay AS dib ula wareegeen

Galmudug (Dawan)- Gulufkii dagaalka ayaa istaagay, Madaxweynihiina waxa uu dib ugu soo laabtay Villa Soomaaliya kadib sanad ay dowladdu dalka u jiheysay la dagaallanka ururka Al-shabaab. Galal kale ayey dowladdu furtay; sida wax ka bedelka Dastuurka, xiisadda Itoobiya ee badda iyo u dabbaaldegga xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka.

Al-shabaab waxay si tartiibtartiib ah oo khasaare yar ula wareegayaan deegaanadii horay looga saaray ee Galmudug oo naf, waqti, kharash iyo khassaare badan dowladdu ku bixisay sida laga soo xigtay saraakiil sarsare oo Mareykan ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday jiritaanka in Al-shabaab ay deegaano dib u qabsaneyso.

“Degmo ka mid ah degmooyinkii Shabaab laga xoreeyay oo ay dib u qabsadeen ma jirto” ayuu Madaxweynuhu ka yiri, munaasabaddii 26-ka June.

Bahda Dawan TV waxay baaris ku sameysay xaaladda deegaanadii ay dowladdu la wareegtay ee ganacteeda ka baxay.

Degmooyinka dib u galay gacanta AS

Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxay cidamada dowladdu la waregeen 6 January, 2023. Hadda waxaa ka arimiya Al-shabaab.

Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud inkasta oo ay muddo kooban joogeen waxaa 25 kii August 2023 la wareegay ciidamada Kumaandoosta ee Danab. Hadda waxaa gacanta ku haaya kooxda Al-shabaab

Magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud waxay 43 Kilometer u jirtaa Ceelbuur, ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa la wareegay 21-kii- August 2023, Hadda waxay kamid tahay deegaanada Al-shabaab ka arrimiyaan.

Budbud, waa magaale kale oo Galgaduud ka tirsan, waxaa lagu xasuustaa sawirrada ay warbaahinta dowladdu tebisay ee muujinayay quruxda bilicda deegaanka, kadib markii ciidamda dowladu la wareegeen 15 kii April 2023.

Ceel Cali Heel, waa deegaan Istaraatiiji ah oo dhaca Shabeellaha Dhexe, wuxuu kamid ahaa deeganada lagala wareegay Al-shabaab January 13, 2023, Hadda waxa uu kamid yahay deegaanada ay kooxdu xukumaan.

Shabeelow waa deegaan kale oo Mudug ka tirsan oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka usoo gacan galay 10-kii Septemper, 2023. Waxaan xaqiijinnay in deegaankan ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.

Camaara waa degmo ka tirsan gobolka Mudug oo gacanta dowladda soo gashay 18-kii September 2023 balse hadda gacanta Al-shabaab ku dambeysay.

Degmada Caad, waa meel istraatiiji ah oo iyana ciidanku dowladu qabsadeen 4-tii, January 2024, haddana ku jirta gacanta Al-shabaab.

Cowsweyne waa deegaanka ugu hadal heynta badan marka laga hadlayo dagaalka ay dowladu la gashay Al-shabaab. Waxaa lagu dilay ciidankii dowladda ugu badnaa ee hal goob ku dhinta, waxaana la aaminsanahay inuu weerarkan ahaa mid kamid ah sababaha uu howlgalku u istaagay.

22-kii August 2023 ayey ciidamada dowladdu sal dhigteen, balse weerarka kadib waxay xarun u tahay ururka Al-shabaab.

Waxaa intaa dheer in deegaanada ay dowladu ka arrimso ay la kulmaan weeraro joogto ah, isla markaana ay deegaanada miyiga ah ay wali joogaan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Falanqeeyayaasha arrimaha ammaanka ayaa aaminsan in dowladu gaartay meel ay ku qanacday in arrinka Al-shabaab lagu wajaho wadahadal, waxaana arrinkaan xoojiyay madaxweynaha oo markii ugu hooreysay meel fagaare ah ka sheegay in ay dowalddu wadahadal diyaar u tahay oo ay sugeyso in ay Al-shabaab diyaar u noqdaan oo kaliya.

Madaxweyne Xasan oo bartamihii bishan June khudbad ka jeediyay madasha Oslo Forum ee dalka Norway, ayaa yiri; “Waxaan rumeysannahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wadaxaajood. Goorma? marka ay diyaar noqdaan. Shalay iyo kasii hor waxaan ahayn diyaar, balse waxaan weli rajeyneynaa in ay diyaar noqdaan. Marka ay diyaar noqdaan waxaan la geli doona wadaxaajood” .

Dagaalka Al-shabaab ee dowladdu gashay ee ka billowday Hiiraan ma ahayn qorshe dowladeed balse, dowladda ayaa fursad u aragtay kadibna maalgashatay. Laba sano kadib dowladda Xasan Sheekh dib ma u billaabi doontaa dagaalka mise wadada kaliya ee furan waa wadahadal?

Magacyada Degmooyinka iyo xilliga laga saaray AS

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here