Sunday, September 8, 2024

Xarunta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo xariga laga jaray

Muqdisho (Dawan)- Xarunta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta si rasmi ah xariga laga jaray, iyada oo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan

Xarunta oo ah mid la jaanqaadaysa hay’adaha duulista ee caalamka , waxaa ka ku shaqeyn doonaan maamulka, howlwadeennada iyo khuburada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA).

Dhismaha iyo qalabateynta xaruntan oo ka kooban labo dhisme oo dabaqyo ah oo ay ku yaalaan ilaa 30 xafiis, waxaa iska kaashaday dowladda iyo safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Axmed Macallin Xasan oo ugu horreyntii ka hadlay munaasabadda xarig-jarka ee dhismayaasha cusub ee xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegay inay door ka qaadanayaan xafiisyadan horumarinta howlaha shaqo, taas oo kor u qaadaysa wax-soosaarka iyo kobaca dhaqaalaha ee Hay’adda.

Munaasabadda oo ay ka qaybgaleen guddiga Gaadiidka iyo Duulista ee Golaha Shacabka, Xildhibaanno , mas’uuliyiin ka socday golayaasha dawladda iyo diblomaasiyiin , ayaa xubnihii u hadlay waxay boggaadiyeen horumarka deg deg leh ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa munaasabadda ka sheegtay in xarig-jarka xarunta ay u tahay dalka dhacdo muhiim ah , maaddama horumarada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay door ka qaateen isbeddelada dal oo ay ugu horreyso kobaca dhaqaalaha.

“Maanta waxay inoo ahayd waqti kale oo muhiim ah , waxaan xarig-jarnay xarunta cusub oo noqon doonta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo loo dhisay qaab waafaqsan, isla markaana la jaanqaadaysa agabka iyo xafiisyadaba xarumaha hay’adaha duulista caalamka. Hirgelinta dhismayaasha xaruntan cusub, waxay door dedejinaya ka qaadanaysa horumarka iyo wax-soosaarka waaxyaha Duulista Rayidka ee dalka.” sidaa waxaa sheegtay Wasiir Fardowsa.

Dhammeystirka dhismayaasha iyo qalabeynta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qayb ka ahaa hiigsiga iyo qorshaha sannad laha ah ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo xilligan qorshaha dhow ay ka mid yihiin in sare loo qaado wax-soosaarka shaqo iyo in si la mid ah sare loo qaado duulimaadyo cusub oo caalami ah oo ay ugu horreynayso shirkadda duulimaadyada ee Egyptair iyo Saudi Arabian Airlines.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here