Monday, September 16, 2024

Xasah Sheekh oo sheegay in dhamaadka AS uu yahay wadaxaajood

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in wada hadal nabadeed lala yeesho kooxda Al-Shabaab, isaga oo caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u ahayd in ay gasho wadaxaajood hadana ay diyaar u tahay xilli kasta.

Madaxweyne Xasan oo todobaadkan khudbad ka jeediyay madasha Oslo Forum ee dalka Norway, ayaa ka hadlay caqabadaha amni iyo fursadaha ka jira dalka, gaar ahaan khatarta Al-shabaab, isagoo sheegay inaysan jirin wax muujinaya in Al-Shabaab diyaar u tahay xilligaan la joogo wadaxaajood.

Waxaan rumeysannahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wadaxaajood. Goorma? marka ay diyaar noqdaan. Shalay iyo kasii hor waxaan ahayn diyaar, balse waxaan weli rajeyneynaa in ay diyaar noqdaan. Marka ay diyaar noqdaan waxaan la geli doona wadaxaajood” ayuu yiri; madaxweyne Xasan.

Xasan ayaa intaas ku daray in wadaxaajoodku qaadan doono waqti balse waxa uu rajo ka muujiyay inuu ku dhamaan doono wax dan u ah dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay cid kasta oo ku qanci karta Al-shabaab inay bedelaan habdhaqankooda inay ka qayb qaadato.

Hadalka Xasan ayaa u muuqda mid ka bedelan ololihii dagaalka ee uu soo waday labadii sano ee lasoo dhaafay kaas oo ciidamadu dowladdu kula wareegeen deegaano ballaan oo markii hore ku jiray gacanta Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here