Sunday, September 8, 2024

Xasan iyo Afwerki oo isla meel dhigay iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha

Asmara (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga Asmara ayaa dhiggiisa Eretria, Isaias Afwerki kala hadlay sii xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal oo waayihii ugu dambeeyay ahaa mid si xowli ah ku socda.

Labada Madaxweyne ayaa isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacayda siyaasadda, amniga, iyo arrimaha bulshada, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eretria, Yemane G. Meskel.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la hormariyo iskaashiga iyo wadashaqaynta ka dhexeysa labada dal iyada oo la bartilmaameedsanayo arrimaha faa’iidada u leh labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee dalka Eritrea ayaa bogaadiyay doorka muuqda ee ay Eritrea ka geysaneyso dib u dhiska ciidamada qaranka Soomaaliya, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid muujineysa sida ay Eritrea u garab taagan tahay shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa xusay in Eritrea ay tababartay sidoo kalena ay qalabeysay in ka badan 10,000 oo askari oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan ciidamo gaar ah.

Ciidamada tababarka kusoo dhamaystay dalkaas ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka ciyaaraan mustaqbalka ciidamada qaranka Soomaaliya ee dhinacyada badda, dhulka iyo cirka.

Inkasta oo Wasiirka Warfaafinta Eritrea uu ku tilmaamay booqashada Xasan Sheekh ee Asmara mid muhiim ah hadana Villa Somalia ma aysan bixin xog faahfaahsan oo ku saabsan socdaalka Madaxweynaha iyo ujeeddada ka dambaysa, iyada oo xogata kaliya ee laga helayo safarkiisa ay ka imaaneyso dhanka Eritreia.

Tan iyo markii dib loo doortay May 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqday Eritrea ku dhawaad ​​toban jeer, taasoo ka tarjumaysa muhiimadda uu siinayo xiriirka laba geesoodka ah, wuxuuna markii ugu horeysay u magacaabay safiir Soomaaliya u fadhiya dalkaas, taasoo sii xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here