Tuesday, October 22, 2024

Xasan iyo Museveni oo kawada hadlaya qorshaha kala-guurka Howlgalka ATMIS

Kampala (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safar shaqo ku tegay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni. Sida laga soo xigtay madaxtooyada Soomaaliya, kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa lagu wadaa inay ka wadahadlaan qorshaha kala-guurka Howlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), kaas oo lagu wado in uu soo gabagaboobo dhammaadka sanadkan 2024.

Uganda, oo ah dalka ugu horreeyay ee ciidamo nabad-ilaalin u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007, ayaa ilaa hadda Soomaaliya ka joogaan ku dhawaad 4,000 oo askari oo qayb ka ah ATMIS. Ciidamada Uganda waxay door muhiim ah ka ciyaareen sugidda amniga iyo fulinta hawlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Safarka Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu ku tegi doono dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isagoo madaxda dalalkaas kala hadli doona sidii loo dedejin lahaa qorshaha kala-guurka ATMIS.

Inkastoo ay qorsheysan tahay bilowga howlgal cusub oo la magac-baxay AUSSOM, weli ma cadda cidda ku biiri doonta, hase yeeshee Masar ayaa muujisay rabitaankeeda inay qayb ka noqoto iyadoo ay jirto in Itoobiya oo qeyb ka holwagalka ATMIS ay diidmadeeda muujisay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here